berberatoday.com
Arrinka Ucid”Ansixinta Heshiiska Labada Garab, Waa Fulinta Xukunka Maxkmada Sarre”.Maxamed Gaceyte Sarkaal Ucid Ka Tirsan
October 24, 2016 - Written by Berbera Today

Maxkamada Sarre waxay faylkii dacwada Ucid dib ugu celisay Guddida Diiwaangalinta Ururada & Axsaabta Qaranka oo ah Hay’adda fulinaysa Xukunka Maxkamada Sarre. Guddida qaban qaabada ee 10 ka xubnood ah iyo Guddida diiwaangalinta ayaa la wareegaya hawsha ilaa dhamaadka shirweynaha.

Maxkamada Sarre JSL waxay soo saartay xukun ah in labada garab ee Xisbiga Ucid  inay si wada jira usoo magacaabaan Guddi Qaban qaabo 10 xubnood ah si isle’eg. Guddidaas oo ka shaqayn doonta qabsoomida Shirweyne aan caadi ahayn in lagu qabto mudo 60 cisho gudahood ah oo ka bilaabantay 25 Sept 2016, Maalintii ay Maxkamadu Xukunka ka soo saartay Dacwada u dhaxaysay labada dhinac ee Xisbiga Ucid. Toban ka xubnood ee Qaban qaabada shirweynaha aan caadiga ahayn iyagaa u madax banaan hawsha diyaarinta qabsoomida Shirweynaha, Cidina kuma faro galin karto waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday sida ku cad Xukunka Maxkamada Sarre. Labada garab midna awood u malaha cayimaada ama mudaynta maalinta uu shirku dhacayo iyo wax lamida toona. Hogaanada labada garab Kaliya Waa laga rabaa magacaabista Xubnaha qaban qaabada shirka.

Sidoo kale waxay Guddidu si wada jira iskula meel dhigayaan Xubnaha Ergooyinkii joogay Shirweynahii u danbeeyay inta dhimatay, inta ka baxday xisbiga iyo inta joogta. Xubnaha Golaha dhexe wixii joogay shirweynahii u danbeeyay. Guddidu waxay dajinayaan jidwalka hawsha shirweyanaha sida Cayimaada Shirka maalinta la qabanayo, goobta lagu qabanayo iyo mudada uu soconayo shirku. Guddida tobonka xubnood ahi iyagaa hogaaminaya shirka soona diyaarinaya Ajanadaha Shirweyanaha oo ah Ansixinta dhamaan qodobada Heshiiska Labada Garab ee ku taariikhaysan 12 July 2012. Waxa tagtay ku dhawaad 30 maalmood Mudadii 60 cisho ee loo cayimay shirweyanaha, Garabka Jamal Cali Xuseen waxay dhakhso usoo gudbiyeen shantii xubnood ee garabkooda 03/10/2016. Labaatan cisho kadib shalay axadii 23/10/16 ayay Garabka Faysal soo Gudbinyeen shantii xubnood. Waxaana muuqata in Garabka Faysal ay ka war wareegayaan qabsoomida shirka, Isagoo Faysal si cad u jabiyay Xukunka Maxkamada kuna talaabsaday inuu xataa ku dhawaaqo Musharaxnimo aanu sharci u ogolaanayaa jirin, Waxaan filayay in Maxkamadu talaabo ka qaado Faysal mar hadii uu u hogaansami waayay kuna talaabsaday waxyaabo sharciga baalmarsan.

Hadaba Maxkamada Sarre waxay faylkii dacwada Ucid dib ugu celisay Guddida Diiwaangalinta Ururada & Axsaabta Qaranka oo ah Hay’adda fulinaysa Xukunka Maxkamada Sarre. Guddida qaban qaabada ee 10 ka xubnood ah iyo Guddida diiwaangalinta ayaa la wareegaya hawsha ilaa dhamaadka shirweynaha. Wixii labada dhinac ay isku qabtaan Guddida Diiwaangalinta ayaa Farsamo ahaan awood leh xalintooda, wixii adkaada ee u baahda tafsiir sharci Maxkamada sare ayaa loo gudbinayaa kadib marka ay Guddida diiwaangalintu jilciso qodobka laysku hayo. Sidaas darteed laba Garab waa inay u hogaansamaan Fulinta Xukunka Maxkamada Sarre, sidoo kale in laga foojignaado wax kasta oo ka hor imanaya Xukunka in lagu soo daro, hadii kale taasi waxay abuuri doontaa Khilaaf kale oo hor leh iyo Maxkamad kale oo keeni karta in Faysal laftiisa lagu furo dacwad khiyaano ah (Bridge of contract).

Waxaan ka digayaa wax kasta oo dhaawici kara qabsoomida shirka; waxaana muhiima in labada dhinac ay si wada jira u ilaaliyaan nidaamka iyo Fulinta Xukunka Maxkmada sare oo ah Ansixinta Heshiiska Labada garab. Wax ka duwan Xukunka cidii la timaadaa iyagaa cirka roob ku og.

Ilaahay sida xaqa ah hayna waafajiyo.

Mohamed Gacayte

Sarkaal ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid
Hargeysa. Somaliland
Gacayte09@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews