berberatoday.com
buurmadow oo ku fashilmay shaqaaqadii ka dhacday degmada Ceel fweyn
October 24, 2016 - Written by Berbera Today

Sidaa aad ogtihiin waxaa dhowaan laba beelood oo wada dega degaanka degmada ceelafweyn ay diriri ku dhexmartay tuulooyinkii xukuumadu burburisay ee Dogoble iyo bacaha. Boqor Buurmadow wuxuu u qabtay dalka isutaga Imaaraadka Carabta markii dagaalku dhacay isagoo ka muquuranaya nabadaynta labada beelood isla mar ahaantaana wuxuu halkaas Dubia kawaday Olole colaadeed oo uu ku hurinayo dagaalkaas, isagoo hub iyo saanadba usoo diray beesha uu kasoo jeedo. Tiraba afar gaadhi oo hada lagu hayo tuulada Garabcad iyo afar qori oo ah qoryaha loo yaqaan BKM ahna qoryo culculus ayuu gaadhsiiyey degaanka. kuwaas oo uu uhaysto qaab uu doonayo inuu ku jabhadeeyo ama xukuumada kula gorgor tamo si uu dhaqaale ugaga helo Dawlada, welina ciidan xoogaaya oo ka amar qaata ayaa ku sugan degaankaasi. Geesta kale wuxuu kula taliyey cuqaasha beeshiisa inay qaadacaan Nabada lagu soo xidhayey colaadii ka aloosnayd degaanka. Taas oo markii danbe ay hawshii dhameeyeen Cuqaasha, waxgaradka beeshiisa oo ka xishoodsay inay indhaha bulshada somaliland oo soo eegaysa inay qaataan fekerka qaldan ee buurmadow. taasina ay keentay dhaartii nabada ee dhacday21 september 2016. Hadaba markii ay khilaafeen cuqaashu boqor buurmadow wuxuu geeddheer iyo geed gaabanba u fuulay inuu dagaal ka rido degaanka si uu ufashiliyo go aanka ay beeshiisu qaadatay isagoo ku amray dhalinyaradaii taabacsnayd inay dilal qorshaysan ka geystaan degaanka. Nasiib wanaag waxaa ka hortegey arinkaas odayaasha beeshiisa iyo xukuumad oo xoojiyey ciidamada sugaya nabada.Sugayna amaanka degmada Ceelafweyn oo ilaa hada ay joogaan ciidamada dawladu. Hadaba waxa dhowaanahan soo baxaya warar shegaya inuu hada wadawado shirar uu la gelayo beesha Idarays oo dhexdhexaadin ah, kuwaas oo sida lasheegayo aan midha dhal noqon karin maadaama aanu kalsooni kahaysan beeshiisa oo ay isku colaadsadeen khilaafkii dhaarta iyo shirkii lagusoo afjararyey colaada degaanka degmada Ceel afweyn. Boqorka oo iminka ku sugan magaalada hargeysa wuxuu habeenkii xalay shan inan oo hubaysan ku saaray cuqaashii guraysay geelii jifida ahaa ee xukuumadu amartay isagoo ka hinaasay hawshaa baaxada leh ee aanu ku lugta lahayn horayso iyo danbasoba. hadaba waxaa boqorka la gudboon inuu noqdo hormuudka nabada oo aanu noqon nin ku suntan dagaal ooge iyadoo dhowanahan ba ay baraha internetka ay ku jireen hadalo laga duubay oo colaad hurinaya.

 

Hasan warsame Nuur

Burco. Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews