Dalka Norway Oo Dib Ucelinaya Dad Tiradoodu Gaadhayso 1,600. Oo Somali Ah
October 24, 2016 - Written by Berbera Today
Oslo Norway(Berberatoday.com)-Waaxda Socdaalka dowladda Norway ayaa sheegtay in ay dib u soo celin doonto Qaar ka mid ah Qaxootiga Somalieed ee ku sugan dalkeeda.
Dowladda Norway ayaa sheegtay in dadkaan ay haboon tahay in dib loogu celiyo dalkooda , madaam waaxda Socdaalka dalkaasi ay sheegtay in Somaliya ay amaan tahay.
Waaxda socdaalka ayaa ku dhawaaqday in ay dib u eegi doonto sharciga la siiyey dad Somali ah oo gaaraya 1,600 qof oo ku nool Qaar ka mid ah gobolada dowladda Norway.