berberatoday.com
Godkaasi Waa godkii Kulmiye laga qaniinay 2003 = Axmed Muumin Seed=Cabdi Xassan Buuni Qalinkii Xuseen Badhaani
October 24, 2016 - Written by Berbera Today

buunimuuminkaa-seedTaariikhdu way soo noqnoqotaa, waa halkii Macalinkaygii Prof. Maxamed S. Gees Ee dharaaro iyo xusuustood. Waxaan maskaydayda ku sawiran Sanadkii 2003 Xisbiga Kulmiye oo markaa ahaa Xisbiga ugu da’da yar 3 seddexda qarran Ee JSL, ayaa isaga isu diyaarinaya doorashadii Madaxtooyada wuxuu qabsaday Kalfadhigii 1aad Gollaha Dhexe si loo doorto loona xusho Musharixiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen.

Dumuqraadiyada Somaliland bilowbay ahayd, Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye oo xilligaa ahaa Mudane Axmed Silaanyo, isaga lagu lama tartamin jagada Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, kaliya waxaa lagu tartamay jadaga Musharaxa Madaxweyne ku-xigeen, kaas oo ay markii hore u sharaxnaayeen rag badani Waxaan ka xsuustaa:

1. Cabdi Xassan Buuni
2. Dr.Maxamed-rashiid Sheekh Xassan
3. Muj. Cabdiraxman Awcali Faarax

Maalmihii ololaha u dambeeyey waxaa u cadcadaa Cabdi Xassan Buuni oo ka mid ahaa ragii Xisbiga La soo kifaaxay ee naf iyo maal ba u huray, iyo Cabdiraxman Awcali oo maalmo yar ka hor ku soo biiray Xisbiga Kulmiye.

Kalfadhigii 1aad Gollaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye ayaa furmay, waxaana La doortay Musharixiinta Kala ah Muj. Axmed Silaanyo iyo Muj. Cabdiraxman Awcali, waxaana dibada waxaana halkaa lagaga guuleystay Cabdi Xassan Buuni oo tirsanayey inuu Xisbiga xoolo iyo xinninyaba usoo hagar baxay.

Sababaha ugu badan ee loogaga adkaaday Cabdi Xassan Buuni waxaa ugu weynaa Gud. Silaanyo oo danaynayey inuu Madaxweyne kuxigeen ka dhigto Muj. Cabdiraxman Awcali oo ahaa sxbkiisii halganka, sababta labaad na waxay ahayd kaadirka Xisbiga Kulmiye oo aaminsanaa in Cabdiraxman Awcali uu ka tageero badanayo marka la barbardhigo deegaanka uu ka soojeedo Buuni.

Hadaba Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo aad moodo inuu marayo wado kasta (qalad iyo sax ba)oo uu hore Xisbiga Kulmiye usoo maray siduu u qaban lahaa talada wadanka, ayaa shalay Shirkii 1aad ee Xisbiga Waddani waxay sameeyeen ficil Siyaasadeed laga soo dheegay kalfadhigii 1aad ee Xisbiga Kulmiye ee 2003, iyaga oo u doortay Gud. Cirro inuu noqdo Musharax Madaxweyne isaga oo aan lala tartamin, waxaa sidoo kale Amb. Maxamed Cali loo doortay Musharaxa Madaxweyne ku-xigeen sidaana waxaa dibada loogu tuuray Gud. Kuxigeenkii 1aad Ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo u tartamayey jagada Musharaxa Madaxweyne kuxigeen ee Xisbiga.

Axmed Muumin Seed waxay dadku iyo isaguba aaminsan yihiin inuu maal iyo muruqba uu la soo halgamay Xisbiga Waddani, isaga oo ahaa aasaaasihii 2aad isla markaana ku soo kaliyeystay ollolaha iyo doodaha Mucaaridnimo ee uu kala hortagi jiray Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisaba.

Axmed wuxuu ku waayey jagadaa sababo la mid ah kuwii uu Cabdi Xasan Buuni ku dhacay, oo ah inaanu Gud. Cabdiraxman Cirro aanu doonayn inuu Seed u noqdo Musharaxa Madaxweyne kuxigeen, iyo in Garbaweynta Xisbiga Waddani iyo musdanbeedkiisuba ay aaminsan yihiin inuu Amb. Maxamed Cali uu deegaan ahaan iyo Taageero ahaan ba uu ka badan yahay Axmed Muumin Seed xaafad ahaan.

Hadaba Xisbiga Waddani iyo Taageerayaashiisaba waxaan leeyahay Inaad ku dayataan qaababkii ollolaha mucaaridnimo ee Xisbiga Kulmiye soo maray waa gar, laakiin waddadan maanta aad marteen waa godkii laga qaniinay Xisbiga Kulmiye, sababtayna in laga adkaado Xisbiga Kulmiye doorashadii Madaxweynenimada ee 2003 dalka JSL ka dhacday.

Sidaa darteed waxaan filayaa in Xisbiga Waddani talaabada kaliya ee u hadhay ay tahay, in lagaga adkaado Doorashada Madaxtooyada soo socota Ee 2017 ka dhacaysa JSL.

Gunnaanadkii waxaan leeyahay:

Ka hirqada wakaa nabsigaad, Haamaha u culateeneen.

(Axmed M. Seed = Cabdi Xassan Buuni)

Allow eex ma tiraabine
Aqoon haygu cadaabin
Xuseen Badhaani

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews