berberatoday.com
Ma Ogtahay “Cabdiraxmaan Cirro Waxa Uu Wataa Laba Magac Oo Faallso Ah ,Sida Dr Iyo Ambassador , Sidaas Waxaa Aaminsan “Qore: Tahir hussein, london,uk AKHRISO
October 24, 2016 - Written by Berbera Today

Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafada ,guud ahaan iyo gaar ahaanba,waan idin salaamey. Maanta waxaa magaalada hargeysa ka qabsoomey shirkii golaha dhexe ee xisbiga waddani, shirkaasi oo inta badan loo sameynaayey warar iyo xayeysiin intoodii badneyd aheyd waa doorasho , balse runtii isugu timid hungo iyo cadaalad darro iyo waliba isagoon u eekeyn xisbi balse ahaa wax koox gaar ahi iska wateen oo waliba xubno miisaan weyn xisbiga ku lahaa ahaana murashaxiin dibada loo saarey iyo iyada oo laba xil la is dulsaarey, sida hogaamiye iyo gudoomiye xisbi oon meesha wada galin balse midkood u eegyahey xil waraabe u taag ah oo ah ku guur oo heeryada,goordhowna ka furo , waase midkee cabdila qaadir jirde iyo aw xirsi xaaji cali midkee ayay dultaalaa lama oga?

Hadaba xisbiga waddani oo beryahan danbe ay ka muuqato isla bood iyo reyn reyn madhan oo hubsiimo la’aan ah ayaa waxey sacab badan u tumeee ka dib markii ay ku biireen kooxo wasiiro u badnaa oo runtii ka tirsanaa xukumada uu hogaamiyo madxaweyen axmed maxamuud siilaanyo, kooxdaasi oo iyagoon wali fadhi baran faraha la galey siyaasad iyo waxaan loo diran ayaa cagaha iyo gacmahba kaga gubtey siyaasadii ka dib firxad iyo cadho badan darteed oo ay ka qaadeen jabkii siyaasad ka qabsadey waxey isku shubeen xisbiga waddani oo meel cidlo ah taagan , waxii ka soo horbaxana dad iyo duunyoba ku cararaaya.

Xisbiga waddani iyo kooxdaniba waxey markiiba qeylo iyo faan badan ka jeediyeen tv yada somalida iyo websiteyo taageera oo ay u hadaleen si aan siyaasad iyo masuulnimo toona laheyn waxaaney ku hadalyeen haddalo naceyb badan iyo qabyaalad badan ooy u jeedinayee dowlada iyo xisbiga kulmiye!

Hadaba somaliada ayaa tidhaahada geel caruuri qaaday ma dheere ee durba maxaa soo ifbaxey?

Waxaa soo if baxey aqoonta ay u leeyahiin siyaasada iyo waayaha taagan, hormoodka xisbigaasi iyo waliba , sida ay u yahiin dad inta badan siyaasada ku cusub xisbiyahanada waddani, marka laga reerbo xildhibaan cabdil qaadir jired oo dhawaan ku biirey intooda kale waa dad aan laheyn xeelado dheer oo siyaasadeed marka laga tagi waayo in ay hogaankooda ugu yeedhaan magacyo ,faalso ah oon jirin, sida dr cabdiraxaan cirro iyo ambassador hebel, oon la aqoon meel ay xilalkaasi iyo shahaadooyinkaasi ku qaateen, markaa waxaa maanta ku dhacey gudoomiye xigeenkii xisbigaasi ahna murashaxii xisbigaasi axmed muunin seed,waa tallo ka timid kuwa magacyada beenta ah cirro u bixiyey ee xisbiga waddani ka tirsan ayuunbaa maantana kula taliye in axmed muumin seed yahey nin reer yar ka dhashey oon cod laheyn oo loo baahanyey in laga takhaluso.

Ee waxba yaaney reer somaliland la yaabin aqliga cirro waxaad ku qiimeysaan feedhkii uu la dhacey, gudoomiye baashe maxamed cade, nin feedh soo duubtey isagoo gudoomiye dhan ah madaxweyne qarran malahan aqli uu ku qaado , aqoona hadalkeeda daa aqoonta cirro waa feedhyahan ayuu ku qaatay doctornimada ayaan fillayaa ee hala wadeydiiyo cidii siisey.

Waad mahadsanatahiin.

Qore: Tahir hussein, london,uk

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews