Madaxtooyadda Oo Ku Hawlan Qorshe Dhaawac Ku Ah Taariikhda Muuse Biixi Oo Xilka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Loogu Sii Magacaabayo Maxamuud Xaashi. Muj .Maxamed Kaahin Oo Meel Laga Dhaafa Aanay Jirin, Iyo Xasan Gaafaadhi Oo Muska Ku Soo Jira.
October 24, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Culays siyaasadeed oo hab beeleed ku salaysan ayaa la soo darsay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi sidoo kalena ah murashaxa Madaxwayne ee xisbiga, kadib markii uu wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi soo bandhigay damaciisa ku aadan guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE Muuse dabadii.
Sida xeerku dhigayo haddii xisbigu ku guulaysto doorashada, Guddoomiye kuxigeenka xisbiga ayaa bedeli doona guddoomiyha balse haatan waxaa jira loolan adag o u dhexeeya siyaasiyiinta isku beesha ka soo jeeda ee Maxamed Kaahin, Maxamuud Xaashi iyo Xasan Gaafaadhi oo dhamaantood quudaraynaya guddoominta xisbiga.
Sidoo kale wararka ayaa tibaaxaya in tafaraaruq badani ku yimi beesha Madaxweynaha oo Xisbiga KULMIYE ka filaayay cudud tageero, taasina ay keentay in Madaxtooyadu Muuse Biixi Cabdi Murashaxa Xisbiga KULMIYE ku dirqiyayso inuu Maxamuud Xaashi si lamid ah sida Xisbiga WADDANI yeelay ku sii magacaabo guddoomiye ku meel gaadh ah .
Geesta kale arrinka xiisaha leh ayaa ah inaanay jirin meel uu Muuse Biixi u dhaafi karo Maxamed Kaahin oo ay inbadan soo wada halgameen, waxaana xusid mudan inuu Maxamed Kaahin wakhti adag oo ay dhamaan siyaasiyiinta ka soo jeeda bariga Burco ka soo horjeestee guddoomiye Muuse Biixi uu kaligii hareertiisa ku hadhay.
Ugu dambayn damaca Madaxtooyadu ay taageerada kaga kasbanayso beesha Bariga Burco ayaa la fili karaa inuu guddoomiyaha KULMIYE ku qasbo inuu go’aan taariikhdiisa khatar ku ah qaato, halka Xasan Gaafaadhi laftiisu aanu dab yar shidayn.