Wariye Axmed Muuse Maxamed(Axmed Sakaaro)Oo 30 Maalmood Sife Sharci Daro Ah Oo Bilaa Maxkamad Ah Ugu Xidhan Burco Iyo Saldhigyada Booliska Burco Oo Marba Mid Loo Wareejinayo
October 24, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Wariyihii ku xidhnaa Magaaladda Burco Axmed Muuse Sakaaro ayaa sabaabo aan la garanayn Xukuumaddu u Habeenba Saldhigyada Burco mid u gaynaysaa, waxana uu Habeenkii Xalay loo soo wareejiyey Saldhiga Faarax Omar ee Magaaladda, halkaa uu habeenkii ka horeeyeynaa ku xidhnaa Saldhiga Baar Siigo.
Lama ogga Ujeedada dhabta ah ee habeenba Saldhig Xukuumaddu u geynayso wariyaha. Hase-yeeshee Warar lagu kalsoon yahay ayaa shaaca ka qaaday inay amarka saldhiyada magaalada in kolba mid loo geeyo wariyaha ay soo bixiyeen Wasiirradda wasaaradda Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka ay isku beesha kasoo jeedan ee hawlaha Guud Md. Cali Mareexan.