berberatoday.com
Wasiirka Dib-U-Dejinta, Wasiiru-Dawlaha Waxbarashada & Badhasaabka Gobolka Saraar Oo Lagu Eedeeyay Inay Shan Bilood Xabsiyada Mandheera Iyo Caynabo Ku Hayaan 24 Qof Oo Shacab Ah
October 24, 2016 - Written by Berbera Today
“Nimankaas Wasiirrada ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Dib-u-dejinta, Wasiiru-dawladaha Waxbarashada iyo Badhasaabka Gobolka Saraar ayay u xidhan yihiin ayaa meel walba lanagu yidhaahdaa, Annaguna waanu Ka Samirnay…” Ehelada Dadka Xidhan – Wareysi
Caynabo(Berberatoday.com)-Afar iyo labaatan Odey ayaa Bishii shanaad Xabsiyada Mandheera iyo Caynabo ugu xidhan Wasiirka Dib u dajinta Somaliland, Wasiiru-dawladaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Badhasaabka Gobolka Saraar.
Dadkan oo isugu jira Cuqaal, Guddoomiyeyaal Xisbi iyo masuul ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo awqaafta ee Gobolka Saraar ayaa bishii lixaad ee sanadkan loo xidhay inay Ehel yihiin Nin Qof ku dilay Gobolka Saraar awgeed, kaasi oo baxsaday.
Qaar ka mida Qaraabada dadka xidhan oo Wargeyska Himilo la xidhiidhay ayaa sheegay in dadkaasi ay u xidhan yihiin Wasiirro kasoo jeeda deegaankaas, isla-markaana aanay ilaa iyo imika jirin maxkamad la hor-geeyay, balse ay muddada intaas leeg Xukun la’aan ugu jiraan Xabsiyada Mandheera iyo Caynaba.
“Raggaasi la xidh-xidhay waa niman odayaal ah oo loo diray inay soo qabtaan nin dil gaystay markii uu ninkii Gacan ku dhiiglaha ahaa baxsaday ee uu Puntland galay ayaa la xidhay nimankan iyagoo badi-doonkii ku jira.” ayuu yidhi Abokor Warsame Geeddi oo ay walaalo yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Saraar oo ka mida dadka xidhan, waxaanu intaasi ku daray isagoo hadalkiisa ii wata “Cidkasta waanu u tagnay, waxaanu nidhi xal hala gaadho, nimankaas Wasiirrada ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Dib-u-dejinta, Wasiiru-dawladaha Waxbarashada iyo Badhasaabka Gobolka Saraar ayay u xidhan yihiin ayaa meel walba lanagu yidhaahdaa, markii dambe waanu ka samirnay markaanu aragnay inaanay jirin cid nala hadasha iyagiina Mandheera loo dhaadhiciyay.”
Wargeyska Himilo oo marar badan isku dayay inuu arrintani wax ka waydiiyo masuuliyiinta lagu eedeeyay inay dadkaasi u xidhan yihiin ayaanay noo suurto gelin inaanu helno, kadib markii ay naga qaban waayeen Telefoonnada Gacanta, kana soo jawaabi waayeen Farriimo Qoraal ah oo aanu dirnay.
Dhinaca kale, Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa banaan ee Somaliland ayaa ka hadashay Xadhigga dadkaasi ku jira Mandheera iyo Xabsiga Caynabo.
Warsaxaafadeed shalay kasoo baxay xarunta oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaan Guuleed Axmed Jaamac Dafac ayaa u dhignaa Sidan:-
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xoriyadooda u soo celiso 24 qof oo xidhan tan iyo 17kii June 2016 iyada oo aan dacwad lagu soo oogin. Afar iyo labaatanka nin waxa laga soo xidhay magaalada Caynabo iyada oo aan loo haysan amar maxkamadeed. Lama horgeyn dadkaas maxkamad islamarkaana wax eed ah oo lagu soo oogay ma jirto. Sideed iyo toban ka mid ahi waxaay ku xidhan yihiin Mandheera halka lixina ku xidhan tahay Caynabo. Waxa ka mid Jiif Caaqil Salaad Yuusuf Qodax, Caaqil Salaad Faarax Yuusuf iyo Caaqil Aadan Salaad Jaamac.
Sida ay noo xaqiijiyeen qoysaskooda iyo ilo kale, odayadan waayeelka ah waxa loo xidhay sabab la xidhiidha nin ay isku qabiil yihiin oo la sheegay inuu ku dilay deegaanka Caynabo nin kale kadibna baxsaday. Looma haysto fal ay ka geysteen dhacdada, balse inay yihiin odayo la reer ah ayay u xidhan yihiin.
Waxa lagu hayaa amarka badhasaabka Saraar, sida loo xaqiijiyay Xarunta. Shuruucda Somaliland ma ogola in badhasaabadu ay dadka u diraan xabsiga. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay 29kii September qoraal codsi ah u qortay wasiirka caddaaladda iyo hay’ado kale oo ay khuseeyso. Wax jawaab ahna kama helin.
Sida ku cad qodobka 25aad ee dastuurka Somaliland qofna xorriyadiisa loogama qaadi karo si aan waafaqsnayn xeerka. Sharcigu wuxuu waajbinayaa in 48 saacadood gudohood lagu horgeeyo maxkamad cidii la soo xidho. Afar iyo labaatan kan qof wax maxkamad ah lama horgeyn mana jirto garsoore xalaaleeyey hayntooda. Qodobka 26aad ee dastuurku wuxuu sheegayaa mas’uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya.
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ka codsanaysaa dawlada Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso dadkaas xidhan.”
Berberatoday.com
COMMENTS
|