berberatoday.com
Al-shabaab Oo Bilowday Weerarro Halis Ku Ah Maamullada Soomaaliya, Khasaaraha Hawl-galkii U Dambeeyay Iyo Qarax Ka Dhacay Muqdisho
October 25, 2016 - Written by Berbera Today

Af-madow(Berberatoday.com)-Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen weerar ay Al-shabaab ku beegsatay saldhig ay Ciidanka amniga maamulka Jubbaland ku leeyihiin gudaha Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadii degmada Af-madow ku sugnaa iyo dagaal-yahannadii Al-shabaab ee Weeraray ayaa waxaa degmadaas ku dhexmaray dagaal socday Muddo Saacado ah, sida ay xaqiijiyeen shacabka degmada ku nool.

Goob-joogayaal la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in laba ka mid ah saddexda ruux ee ku dhintay dagaalka ay ahaayeen ciidankii Jubbaland ee weerarka lagu qaaday, halka ruuxa kale ay ahayd Haweeney da’a ahayd oo ay haleeshay rasaastii ay dinacyadu is-dhaafsanayeen.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in Shanta Ruux ee ku dhaawacmay dagaalka ay isugu jira Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo shacab ku dhawaa halka uu dagaalkani ka dhacay oo la sheegay inay ahayd Agagaarka Kawaanka Degmada Af-madow.

Al-shabaab ayaan weli la ogeyn khasaaraha dagaalka kasoo gaadhay, marka laga yimaaddo in Mas’uuliyiinta Degmada Af-madow ay sheegeen inay Dagaalkaan ku dileen tiro ka mid ah xoogaggii Al-shabaab weerarka soo qaaday.

Dhanka kale, Shacabka Degmada Afmadow oo la hadlay VOA-da ayaa xusay in muddadii uu dagaalku socday ay dhinacyadu isku adeegsadeen hub kala duwan, iyadoo Wararku ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay markii dambe Duqeymo u geysteen Dagaal-yahannadii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday degmadaa.

Maamulka Jubbaland ayaa si  toos ah uga hadlin dagaalkan iyo khasaarahiisa, iyadoo sidoo kale ayna Al-shabaab weli dhankeeda ka hadal khasaaraha weerarka ay la beegsatay Af-madow kasoo gaadhay xoogaggeeda.

Dagaalka Al-shabaab ku qaadday Af-madow, ayaa imanaya Saddex Maalmood uun ka dib Weerar kaas oo kale ah oo ay ku qaadday Degmada Afgooye ee Dalka Soomaaliya, halkaasi oo ay ku dishay Dad badan oo isugu jiray Shacab iyo Ciidan.

Dagaalladan Googooska ah ee Al-shabaab bilowday, ayaa sida Dadka dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab la socdaa sheegayaan ay ku doonaysaa dib ugu qabsato Goobihii ay ka saareen Xoogagga AMISOM ee Ciidammada Soomaaliya ka taageera la dagaalanka Al-shabaab.

Dhanka kale, ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, in ku dhaw saddex kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii Qarax Gaadhi uu Shalay Gelinkii dambe ka dhacay Is-goyska degmada Boondheere oo ku dhaw taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan, ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu soo xidhay gaadhi, isagoo qarxay xilli waddada uu marayay, iyadoo markii uu Qaraxu dhacay ay goobta gaadheen ciidmada Amniga Dowladda Soomaaliya, ayna billaabeen baaritaanno.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews