Baarlamaanka Dalka Ciraaq Oo Go,aamiyay In Wadankooda Laga Joojiyo Mandooriyaha Khamriga Loo yaqaan.
October 25, 2016 - Written by Berbera Today
Baqdaad(Berberatoday.com)-)-Baarlamaanka Ciraaq ayaa go’aamiyey in dalkooda laga joojiyo khamrada.

Sharcigan cusub ayaa xaaraam ka dhigaya in dalka khamro la keeno, ama la iibiyo noockasta oo khamrada ah.
Dalka Ciraaq oo ah dal Muslim ah ayaa kamid ahaa dalalka Khamrada loo iibgeeyo, waxaa ku nool kooxo Masiixiyiin ah, sidoo kale qaar badan oo kamid ah Muslimiinta ayaa isticmaala sida ay qoreen warbaahinta gudaha.
Baarlamaanka ayaa sheegay in khamradu ka horimaaneyso Islaamka.
Cidkasta oo ku xadgudubta go’aanka barlamaanka ayaa la ganaaxayaa dhaqaale gaaraya 10 milyan ilamaa iyo 25 milyan oo diinaar taas oo u dhiganta $8000 – $25 000.
Go’aanka Baarlamaanku ka hadli maayo cabbitaanka khamrada, waxaana jira noocyo badan oo khamarada ah oo qaar kamid ah Ciraaqiyiintu ay guryaha ku sameeyaan.
Durba waxaa go’aankan ka qayliyey ururada xuquuqda oo sheegay in uu ku tumanaayo ilaalinta dadka laga tirada badan yahay ee masixiiyinta iyo kuwa kale ee aan islaamka ahayn.