berberatoday.com
“Caruurteyda Ayay Igu Hor Dileen, Waxay I Xasuusiyeen Beesha Aan Ka Soo Jeedo..”Aabbo Cismaan Cumar
October 25, 2016 - Written by Berbera Today

Gaalkacyo(Berberatoday.com)-Dagaallada u dhexeeya Maamullada Puntlnad iyo Galmudug oo toddobaadyadii u dambeeyey ka socday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa ay sii kordhayaan dhibaatooyinka iyo tacaddiyada ula-kaca ah ee loo geysanayo dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan, balse wax u eeg isir-gumaad lagula kacayo, sida uu Saxaafadda deegaankaas u sheegay Cismaan Cumar oo ah Aabbo da’weyn oo sheegay in laba Carruur ah oo uu dhalay hortiisa si badheedh ah loogu dilay.

Aabbo Cismaan Cumar oo ka mid ah dadka dega Galbeedka magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in Ciidammada Puntland ay aqalkiisa ugu soo galeen muran dheer kadibna ay dileen laba Wiil oo uu dhalay, sida lagu baahiyey Shabakadaha Wararka Internet-ka ee Soomaalida oo aannu Warkan ka soo xigannay.

Aabbe Cismaan, waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa aanu dhinac ka aheyn dagaalka labada Maamul u dhexeeya, balse loo sheegay in sababta Carruurtiisa loo dilay uu ahaa inuu yahay Oday degaan ahaan iyo Beel ahaanba raacsan Galmudug.

Waxa uu sheegay in goortii la dilay Carruurtiisa, lagu wargaliyay inay dilayaan haddii aanu ka guurin Guriga uu degan yahay ee magaalada Gaalkacyo. ”Waxay ii sheegen waxaan ahey iyo Beel ahaan cidda aan kasoo jeedo, Anigu mabaan ku xisaabtameynin Qabiil ayaa dadka lagu soocayaa, balse way dhacday. Labadaydii Wiil ayaa hortayda lagu dilay, anigana waxay igu yidhaahdeen haddaanad ka guurin halkan waannu ku dilaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Cismaan Cumar.

Dagaallada ka socda magaalada Gaalkacyo, ayaa sababay inay halkaas ka qaxaan, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay ugu yaraan dagaallada kasoo cusboonaaday magaalada Gaalkacayo inay ku barakaceen in ka badan 75,000 oo qof,  waxaanay intaas ku dartay in illaa 40,000 oo ka mid ah dadkaasi ay qaxayaan markii labaad, sababtoo ah waxay ahaayeen dad hore usoo barakacay. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tan iyo 7-dii bishan Oktoobbar ay 18 qof ku dhinteen dagaalladan, kuwaasi oo 20% ay yihiin dad rayid ah.

Waxaa shalay oo ugu dambaysay ka socday Gaalkacyo, kaasoo ay ku ugu yaraan siddeed qof ku dhinteen, tiro intaas ka badanina ku dhaawacmeen, kaasoo gelinkii hore ee shalay bilaabmay, isla markaana socday illaa duhurnimadii shalay. Waxaanay masuuliyadda dagaallada Maamulba ku eedaynayaa Maamulka kale.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews