berberatoday.com
Madaxtooyada Oo Guclo Iyo Orod Ugu Jirta In Baashe Ku Fadhiisto Kursiga Shirguddoonka Golaha Wakiilada, Marka Uu Cirro Baneeyo
October 25, 2016 - Written by Berbera Today

baashe-faaraxHargeysa(Berberatoday.com)-Madaxtooyada Somaliland ayaa guclo iyo orod ugu jirta sidii ay taageero ugu heli lahayd in guddoomiye-xigeenka 1aad ee golaha wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax, noqdo guddoomiyaha golaha wakiilada, marka uu guddoomiye Cirro xilkaas iska casilo.

 

Shirar labadii habeen ee u dambeeyay ka socday madaxtooyada, ayaa waxa warar uu Geeska Afrika helay sheegayaan in lagu go’aansaday in la sameeyo qorshe lagu dhabaynayo fikirka ah in Baashe Maxamed Faarax noqdo qofka bedelaya guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, waxaana la dejiyay qorshihii lagu heli lahaa codka uu u baahanyahay guddoomiye Baashe si uu kursigaas ugu fadhiisto oo uu u noqdo guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada.

Guddoomiyaha Waddani  iyo murashaxa xisbigaas Md. Cirro, ayaa la filayaa inuu dhawaan baneeyo guddoomiyenimada golaha wakiilada, ka dib markii toddobaadkan loo caleemo saaray murashaxa madaxweyne ee xisbigaas.

Marka uu Cirro baneeyo jagadaas, waxa la filayaa inay soo baxaan mudanayaal kale oo iyaguna dhinacooda u baratami doona buuxinta jagadaaas guddoomiyaha golaha wakiilada, waxaana la saadaalinayaa inay xamaasad siyaasadeed ka dhalato cidda buuxin doonta kursigaas oo ugu dambayn ay golaha xildhibaanada golaha wakiiladu dooran doonaan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews