berberatoday.com
Faysal iyo Muusow Haku Seexanina Inaad Musharraxnimada Jamaal Cali Xuseen Hadh Galay Dhacdaan
October 26, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
muuse

Faysal iyo Muusow Haku Seexanina Inaad Musharraxnimada Jamaal Cali Xuseen Hadh Galay Dhacdaan, oo Umadda Cod kaga Doontaan, Iga Wallaan Nafo Waxaan Ahayni u Baxay, oo Doorasho Dhacda Iyo Cod aad Saaxil ka Hesho Daayee, Meel aad Seexo Aad Daydayin!!!.

Qalinkii Cabdifataax Cali Maxamed

Mudooyinkan danbe Waxa isa-soo taraaya Ficillada xun-xun ee ay ku hawlan yihiin Siyaasiyiinta ku fashilmay inay kasbadaan qulubta Shacabweynaha Somaliland, isla markaana ay hayso kalsooni darraddu, kuwasoo isku kaashaday sidii ay God madow ugu ridi lahaayeen rajada qudha ee Mustaqbalka Somaliland ku xidhan tahay oo ah Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Md. Jamaal Cali Xuseen. Kasoo ay shaadh Xukuumadeed usoo gashadeen, qaarkood kuwo kalena damac ma dhaleys ah kula dagaalamayaan.

Arrinkaa iskugu tagga ah ee lagu dulmiyaayo Murashaxa Madaxweynaha xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo maalkiisii, Maskaxdiisii iyo waqtigiisiiba usoo huray xisbiga Ucid iyo sidii uu mar kale saxadda xisbinmada uga soo mid noqon lahaa. Ayuu Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo soo dhexmaraaya Gudoomiyaha xisbiga Ucid, usoo tafo-xayteen inay Musharraxa rasmiga ah ee Madaxweynaha xisbga Ucid hadh galay dhacaan, oo intaa ay shir qayrul sharci ah, meelaha ku qabsadaan doonaya inay Faysal Cali Waraabe oo aanu sharciga xisbiga iyo kan Somaliland toona u ogolleyn inuu isa soo sharraxo, ay yidhahdaan waa Musharrax waraabe u tag ah.

Hadii tallaabada noocaas ah ay isku dayaan Askari Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe, Oggadda waxa farraha ka bixi doona amniga Maanta Somaliland ku naaloonayso. Doorasho dhacdo iska daayeen waxa dhici doona in Farraha la iskula tago oo hadh cad banaanada la is eryado. Ma jiro wax ka weyn amniga ay haysanaa, sidoo kalena ma jiro wax ka cun Musharraxnimo la kala dhacaa.

Hadii Musharraxnimada Jamaal Cali Xuseen la diido, oggada Muuse Biixina Ma noqon doono Musharrax, hadii la isku dayo in la majaro-habaabiyo shirweynihii aan caadiga ahayn ee Maxkamaddu Xukuntay, waxay noqon doontaa in sharciga dalka gacanta lagu qaato, oo Madaxa la ska Toogto. Waayo marnaba lama aqbali karo waxa aan ahayn Fulinii Maxkamaddu xukuntay wax aan ahayn inuu ku dhaqaaqo Faysal Cali waraabe. Cidna ka yeeli mayso wixii intaa ka danbeeyana waxa dhaca waa Dhiig iyo dagaal aynaan u baahnayn balse waan uga digayaa inay tallaabadaas uu ku kaco Faysal Cali waraabe oo ku socda Maskax xumaanta Muuse Biixi.

Guntii iyo gabo-gabadii Faysal Cali waraabow ka socon mayso Musharaxnimo waraabe u tag ahiye, haku toobad seegin, naftadana Been ha u sheegin. Muuse Biixina waxaan leeyahay “Walaalnimo Ninkii Dilay Haddii Cabsho Deyn waayo, Xaajooyin Duugaabay oo Daalay Baa Iman’e waa Lay Damqaayaye Inaan Furo Ma doonayne”. Muusow Cod inaad ka hesho Gobolka Saaxil iyo Beesha Ciise Muuse haka filan Intaad Jamaal God u qodayso, way kaaga sii daraysaa eek u talo gal, waloonad Kursiga Jamaal Intaad Cid aan xaq u lahayn u cumaaamado aanad adiguna aayar doorasho geleyn ee haku seexan ayaan ku leeyahay, wax’se ku furan inaad maskaxda ka shaqeysiiso oo waranka colaadda intaad dhigto Tolkaa arinka Jamaal kula soo noqoto. Wixii aan intaa ahayn adiga qoomamayn doontaa.

Qalinkii

Cabdifatax Cali Faarax
fataax4144@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews