Hay’adda Qaxootiga Ee UNHCR Waxa Ay Sheegeysaa In Sanadkan 2016ka Uu Yahay Kii Ay Ugu Dhimashada Badnaayeen Dadka Tahriibayaasha Ah H
October 26, 2016 - Written by Berbera Today
Libiya(Berberatoday.com)-Hay’adda qaxootiga ee UNHCR waxa ay sheegeysaa in sanadkan 2016ka uu yahay kii ay ugu dhimashada badnaayeen dadka tahriibayaasha ah.
Dadkaasi waxay dhinteen xilli ay isku deyayeen inay ka gudbaan badda Mediterranean.

Sanadkan oo keli ah, gaar ahaan 10kii bilood ee aanu soo dhaafnay, ugu yaraan 3,740 qof ayaa lagu warramayaa inay badda ku dhinteen.