berberatoday.com
Isku-Day Hungo Ku Dhamaadey Oo Hogaanka Wadani Ku Lad Qabeynayeen Murashaxii Ay Iska Bahaysteen Iyo Axmed Muumin Seed Oo Miiska Saaray Qodobo Xujeynaya Cabdiraxmaan Cirro.
October 26, 2016 - Written by Berbera Today

Xubno Uu Xirsi Hoggaaminayo Oo Faro Madhan Kala Noqday Ergo Ay Ugu Tageen Axmed Muumin Seed+ Dood Oo Maayadaha Telefoonka Laysku Dhaafsaday oo Labada dhinac Is Weydaarsadeen

Axmed Muumin Seed Oo Meesha Ka Saaray Inuu Cirro Wada-hadalka Ladqabada Ka Mid Noqdo Iyo Safar Uu Talo Ballaadhsi Ah Oo Uu Boorama Ugu Baxayo

seed iyo ciro

Hargeysa(Mandheeranews)-Kulamo xubno kooban oo kaadirka xisbiga WADDANI uga gol lahaayeen inay kusoo lad-qabeeyaan guddoomiye Axmed Muumin Seed fal dimuqraaddiyada ka fog lagaga sameeyey shirkii golaha dhexe ee WADDANI, ayaa gebi ahaaba guuldarro ku dhammaaday, waxana loo caal waayey isku dayo hoos loogu dhigayey cadhada guddoomiye Seed.

Sida xogo u dhuun daloola xisbiga WADDANI u xaqiijiyeen wargeyska Hubaal, waxa laga soo bilaabo maalintii shalay ilaa habeenkii xalay magaalada Hargeysa ka socday dhadhaqaaqyo xubno uu hoggaaminayo ex. Wasiir Xirsi ku doonayeen inay inuun yareeyaan cadhada Axmed Muumin Seed laga waday huteello iyo aqallo ku yaalla caasimadda Hargeysa, waxase kulamadaasi ku dhammaadeen rajo la’aan ay xubnaha xisbiga WADDANI katirsani ka taagan yihiin guddoomiyihii la bah-dilay ee jagada madaxweyne-ku-xigeenka u sharraxnaa.

Xogaha ayaa intaas ku daraya in masuuliyiin katirsan xisbiga WADDANI oo uu Xirsi hoggaaminayaa khadka telefoonka in badan kula hadleen guddoomiye Seed, balse uu si adag uga gaws adaygay inuu wax dabacsanaan ah muujiyo, isaga oo ku adkaystay inuu aaminsan yahay in dhibtii lagu sameeyey ahayd mid hoggaanka xisbigu qayb libaax ku lahaa.

wada-hadal dheer oo khadka telefoonka ah, ayaa guddoomiye Seed waxa uu si cad u sheegay inaanu wax gorgortan ka geli doonin go’aankii uu shirkii golaha dhexe kaga baxay, isla-markaana muddo maalmo ku siman naftiisa nasasho gelin doono oo aanu diyaar u ahayn inuu wada-hadal furo.

Mudane Seed, ayaa sida la sheegayo khadka telefoonka ex. Wasiir Xirsi uga akhriyey dood dheer oo qoddobaysan, taas oo uu ku sharraxayo asbaabo tiro badan oo keenay inuu wada-hadal toos ah iyo kulanba xilligan ka diido reer WADDANI, waxana ay taasi keentay in Xirsi iyo xubno kooban oo wehelinayey ku qancaan doodda Axmed Muumin.

Axmed Muumin Seed, ayaa Xubnaha ladqabadiisa loo diray khadka telefoonka uga sheegay inaanu wada-hadal kasta oo uu saraakiisha xisbigiisa la galo qayb ka noqon doonin guddoomiye Cirro oo uu aaminsan yahay maskaxda soo nashqadaysay haabtii caddaaladda lagu aasay ee hutel Ambassador ka dhacday, waxana soo jeedintaasi sii xidhay daaqadaha rajo kasta oo la isugu soo dhawaan karayey.

Sidoo kale waxa uu guddoomiye Seed Xubnaha ladqabadiisa loo diray u sheegay in iyaga laftoodu goob joog ka ahaayeen caddaaladdaradii lagu sameeyey, isla-markaana badankoodu dabada ka riixayeen ceebta dimuqraaddiyadda ka baxsan ee shirka lagaga sameeyey.

Marka laga yimaaddo diidmada qayaxan ee guddoomiye Seed niyadda kaga dilay xubnihii loosoo diray, waxa uu sidoo kale u sheegay inuu nasasho kooban kadib safar ugu bixi doono magaalada Borama, halkaas oo uu wada-tashi dheer kula yeelan doono waxgaradka beeshiisa, intaas kadibna uu caddayn doono ciddii uu wada-hadal la geli karo.

Dhawaaqa ah inuu wada-hadal oggol yahay wada-tashiga waxgaradka beeshiisa kadib, ayaa noqotay maxsuulka ay kula noqdeen kaadirkii uu Cirro hoggaaminayey ee hawsha u diray, waxana taas loo arkay guuldarro kale oo ay adag tahay in laga soo waaqsadaa.

Guuldarrada iyo faro-madhnaanta xubnaha Xirsi hoggaaminayaa kala yimaadeen guddoomiye Seed, ayaa keentay in shirar hoose kaadirka xisbiga WADDANI habeenkii xalay ahaa goobo qarsoodi ah oo aqalka Xirsi kamid yahay ku yeesho, halkaas oo lagu gorfeeyey sidii loo diyaarin lahaa istaraatiijiyad labaad oo lagaga daba tegayo gudoomiyaha cadhooday, balse aanay noo suurto gelin inaanu helno waxyaabaha lagu go’aamiyey.

 

 

 

Xigasho Hubaalmadia.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews