berberatoday.com
Maxkamadda Sare Oo Cadaysay Inaanay Qabanayn Dacwad Uu Axmed Muumin Seed Ku Hanjabay Iyo Sababta Oo Ay Cadaysay.
October 26, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

guddoomiyaha-maxkHargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda distooriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay inaanay wax dacwad ah ka qabanayn guddoomiye-xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo maalmo ka hor ku hanjabay inuu maxkamadda sare u gudbin doono dacwad ka dhan ah natiijada shirkii golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo lagaga guulaystay jagada murashaxa madaxweyne-xigeenka xisbiga Waddani

Mr. Seed ayaa sheegay inuu maxkamadda distooriga ah gaadhsiin doono dacwad uu ka furan doono natiijada shirkii golaha dhexe oo uu ku tilmaamay mid aan sharci ahayn. Hase yeeshee guddoomiyaha maxkamadda sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, oo xalay u waramay wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay in nidaamka sharciga ahi aanu ogolayn inay maxkamadda sare marka ugu horaysa qabato dacwadaha asxaabta iyo ururada siyaasadda, balse marka koowaad wixii muran ah loo gudbinayo guddiga diiwaangelinta asxaabta iyo ururada siyaasada, “Wixii dacwad ah ciddii qabtaa waxay ka bilaabayaan guddiga diiwaangelinta iyo ururada siyaasadda, laakiin maxkamadda sare la iskama iman karo.” ayuu yidhi Guddoomiye Aadan oo intaas raaciyay, “Maxkamadda sare ma qabanayso dacwadaha noocaas ah, waayo sharciga ayaa dhigaya in haddii muran sharci ka dhex bilaabmo asxaabta iyo ururada halka koowaad ee dacwad laga furan karaa inay tahay guddiga diiwaangelinta asxaabta iyo ururada siyaasadda. Markaas haddii uu jiro wax khilaaf ahi guddigaas ayay ku soo horaynayaan ee ma imanayaan maxkamadda sare. Cidda natiijada ay guddigaasi soo saarto ku qanci weyda ayaa markaas maxkamadda sare u soo qaadanaysa rafcaan.” sidaas ayuu hadalkiisa ku soo koobay guddoomiyaha maxkamadda distooriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

 

xigasho:Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews