berberatoday.com
Shir Madaxtooyadu Ku Bislaynayso Damaca Wasiir Maxamuud Xaashi Ee Kursiga Guddoomiyaha Kulmiye Oo Hargaysa Ka Dhacay+Maxamed Kaahin Iyo Xasan Gaafadhi Oo Ganafka Ku Dhuftay .
October 26, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shir Madaxtooyadu ku bislaynayso damaca Wasiir Maxamuud Xaashi ee  ku aadan ku guulaysiga jagada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi dabadii, ayaa Magaalada Hargaysa lagu qabtay habeenimadii Salaasadu soo galaysay.

madax

Shirkan oo loo qabtay beesha Bariga Burco, wuxu ka dhacay Huteelka Green Plaza, waxaana ka soo qaybgalay badi masuuliyiinta beesha Habarjeclo kaga jira Xukuumadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada beeshaas ee degan ama ku sugan Magaalada Hargaysa, sidoo kale waxa ka soo qaybgalay shirkaas, xubno Madaxtooyadu ka soo casuuntay Gobolada Sanaag iyo Togdheer.

Siday u xaqiijiyeen Wargayska Somalilandtoday, xubno kala duwan oo shirkaas ka qaybgalay, ajandaha shirka ayaa ka koobna laba qodob oo kala ah. Sidii beesha Habarjeclo looga weeri laha Xisbiyada kale gaar ahaan Xisbiga WADDANI wax kasta oo ay ku kacayso, iyo sidii tallo midaysan oo wax lagu heshiis yahay loola gali laha Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, maadaama oo aanu ilaa hadda waxba isku ogayn beesha Habarjeclo, halku isagu sarajooga qoraalo khasaba kaga saxeexday Madaxweyne Axmed Siilaanyo xiligii uu Murashaxa ka ahaa Xisbiga KULMIYE.

Waxayna xogahaasi noo xaqiijiyeen, in laysla qaatay in shir lagu bislaynaayo labada qodob lagu qaban doono Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco. Geesta kale Madaxtooyadda Somaliland iyo xubnaha ay ka godo talada kama danbaysta ahi ayaa hoosta ka xariiqay in beesha Habarjeclo heshiis rasmiya kula gasho Murashax Muuse Biixi Cabdi, inuu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ku wareejiyo Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay siyaasiga kaliya ee beeshu kula gorgortami karto Muuse Biixi Cabdi, taas badalkeedana Guddoomiyaha Guurtida laga dhigo Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, halka Xasan Maxamed Gaafaadhina loo balan qaadi doono inuu Wasiir buuxa ka noqdo Dawladda Muuse Biixi Cabdi haddii Xisbigu guulaysto, qodobadaas oo ay u arkeen Madaxtooyadu in lagu heli karo codka beesha Habarjeclo maadaama oo ay Mucaaridka Madax ka yihiin Siyaasiyiin Miisaan culus leh oo ka soo jeeda beesha.

Si kastaba ha ahaate qorshaha Madaxtooyada waxa siweyn uga gaws adaygaaya Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo u arka Magacaabista Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE mashruuc qarax xoogan ku keeni kara beesha Habarjeclo, halka Mujahid Maxamed Kaahin Axmed oo la soo halgamay Muuse Biixi  uu ilqoodha ka dawanaayo shaxda la ciyaarayo, isaguu ku tiraaabaya “Carkee”.

Geesta kale damaca Muuse Biixi Cabdi ku rabo inay dhammaan siyaasiyiintan quudha ahi isku huursanadaan ilaa uu doorashada ka galaayo, ayaa u muuqda mid soo gudhaaya oo u baahan inuu miduun ku dhiirado.

 

Xigasho :Wargeyska Somalilandtoday

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews