berberatoday.com
Dagaalyahano Ka Tirsan Ururka Daacish Oo La Wareegay Deegano Ka Tirsan Maamulka Puntland
October 27, 2016 - Written by Berbera Today

Garoowe(Berberatoday.com)-Dagaalyahano la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Qandala ee gobolka Bari.

Wararka aan ka heleyno magaalada Qandala ayaa sheegaya in ciidamada oo lagu qiyaasay 80 dagaalyahan iney la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi oo ka tirsan gobolka Bari.

daacish

Deegaanka Qandala ayaa qiyaas ahaan 75 km u jirta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, mana jiraan ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugnaa deegaankaasi, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Jaamac Axmed Khuurshe oo ah gudoomiyaha deegaanka Qandala ee gobolka Bari ayaa xaqiijiyay waaberigii saaka ciidamada Daacish ay la wareegeen deegaanka iyagana ay isaga baxeen degmadaasi, sida uu sheegay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalyahanada la wareegay Qandala ayaa  fadhiisin ka dhigtay Daarta Cad oo ah goob ay caan ku tahay degmadaasi.

Dagaalyahanada ayaa waxaa  hogaaminaya Sheikh C/qaadir Muumin oo ku dhawaaqay inuu wakiil Daacish kaga yahay deegaanada Puntland gaar ahaan buuraha Galgala.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews