berberatoday.com
Guddoomiye Muuse Biixi Iyo Suldaanka Guud Ee Bariga Burco Oo Kulan Gaar Ah Yeeshay Iyo Suldaanka Oo Ka Gaabsaday Codsi Uu Ka Dalbaday Muuse
October 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Iyadoo maalmihii u dambaysay ay Siyaasiyiin Ka soo jeedda Beesha Degta Bariga Burco si weyn ugu hirdamayaan Hanashada Kursiga Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Dabadii, ayaa Waxa Magaaladda Hargeysa Kulan gaar ah ku yeeshay Guddoomiyaha hadda Kursigaasi ku fadhiya, Ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Habarjeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali oo Hargeysa ku sugan.

muuse

Ilo Wareedyo Madax Banaan Oo Wargeyska FOORE ka helay Kulankaasi ayaa tibaaxay in Marka hore uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi u tagay Suldaanka oo la sheegay inuu ku sugan yahay Magaaladda Hargeysa, Islamarkaana uu damcay inuu kala hadlo qaabkii xal loogu heli lahaa Siyaasiyiinta Isgarab yaacaysa ee ka soo jeedda Beesha Bariga Burco ee uu Suldaanka u yahay, islamarkaana uu Suldaanku ugala Qayb qaadan lahaa sidii shaqsi qudha looga soo dhex xuli lahaa siyaasiyiintaasi,iyadoo la dhawrayo Wada jirka iyo isku xidhnaanta Beesha, waxaanu sida la sheegay Muuse Biixi Suldaanka ula tagay oo uu ka codsaday inuu si toos ah u soo dhex galo arintaasi oo uu u keeno Shaqsiga Beeshu isku raacsan tahay oo uu ku Wareejiyo Kursiga.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sida la sheegay Suldaanka Guud u soo bandhigay in Madaama oo uu yahay Suldaankii Guud ee Beesha Habarjeclo, inuu isagu soo qabto shaqsiga ama siyaasiga beeshiisu isku raacsan tahay inuu ku fadhiisto Kursiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,ee uu Ka Muuse ahaan ku wareejinayo. Sida ay Foore u Xaqiijiyeen Dad markaasi ka agdhawaa,Waxa uu Muuse Biixi u sheegay Suldaanka in Qofkii uu u keeno uu bilaa shuruud ugu wareejinayo Kursigaasi,isagoo Carabka ku adkeeyay,Xiitaa hadii uu u keeno Ex. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan,ee hadda ah Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI,Iyo Ruux kasta oo uu Suldaanku u keeno,inuu bilaa Gorgortan ugu wareejinayo.

Wararkan ayaa intaa ku daray in Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali meel adag ka istaagay,aadna iskaga ururiyay inuu Shaqsi gaar ah u yeedhiyo Muuse Biixi ,Si uu ugu wareeji Kursiga Gudoomiyaha ama uu u sheegay Shaqsiga uu la jecel yahay,balse Waxa uu sida la sheegay ugu hal celiyay Jumlad Hal xidhaaleh ku noqotay Muuse Biixi,taasi oo uu Muuse Biixi garan waayay dhinac uu u qaado ama u fasirto.Waxa uu suldaanku Araar dheer kadib ugu soo gaabiyay hadalkiisa

“Hadaanad isyeel-yeelayn waad garanaysaa Cidda Kursigaasi Xaqa u leh”. Illo-Wareedkan ayaa intaasi ku daray inuu Suldaanku aad iskaga ururiyay inuu ukala hiiliyo Siyaasiyiinta u siman ee ku loolamaysa Kursiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Waxaanu Mudo gaaban oo ay Wada joogeen Gudoomiyaha Kulmiye ugu soo gaabiyay Weedhahaasi uu Muuse Biixi fahmi waayay dhinaca uu u fasirto. Loolanka Siyaasiyiinta kasoo jeeda beelaha Bariga Burco ugu jiraan Gudoomiyaha Kulmiye ayaa xalay sii kululaaday iyada oo tartan adagi uga bilaabmay dhexdooda.

 

 

Source:- Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews