berberatoday.com
“Kuwaa Xirsi Ka Daba Qaylinayaa Inay Wax Yeelayaan Bay Moodayaane Waxay U Markhaati Fureen Siyaasi Bisil Oo Hankiisu Dhaafay Reer Hebel” ..Cali Guray
October 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay dadka ka daba qaylinaya Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu ku tilmaamay kuwo qabyaaladi biyo dhigtay oo galitaanka uu Xirsi ku biiray xisbiga WADDANI uba qaadan la’ sida uu hadalka u dhigay taasoo buu yidhi muujinaysa qabyaalad xun oo meel fog gaadhay in ay dadka qaar ku dhaliilaan maxaad adoo nala qabiil ah ugu biirtay xisbiga WADDANI oo qabiil kale ay u sibir saarayaan.

cali-guray-22

Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) waxa uu sheegay in qaar badan oo maanta qaylinaya oo Xirsi hadal haya ay geeri uga daran tahay oo aanay uga duwanayn geeri ku habsatay in Xirsi WADDANI galay kuwaasoo uu ku sifeeyey kuwo aan waxba yeelahayn Xirsi balse wax uun u taraya sidoo kalena Xirsi ka dhigaya nin bisil oo hankiisu dhaafay reer hebel.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo daba socda dad waji ku macaash ah oo eedo u soo jeedinayay Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa bartiisa facebook waxa uu yidhi Cali Guray sidan: “Xirsi baa WADDANI galay dad baanay geeri uga duwanayn. Inay wax yeelayaan bay moodayaane waxay u markhaati furayaan inuu Xirsi yahay nin bisil oo hankiisu dhaafay Reer hebel”.. ayuu Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Guray ku yidhi qoraalkiisa uu shalay ku baahiyey mareegta xidhiidhka bulshada ee Face isaga oo qoraalkiisa intaasi raaciyey:

“Bal kuwan day Xirsi ku haysta Diintayadii baad ka baxday. Taasaa la leeyahay ha isku tiirsato. Xirsi ma qof xisbi ka baxay oo xisbi galay wax ka badan baa? Mise arrinku waa si kale oo waxa loo qaadan karaa adigoo nin reer hebel ah yaa kuu fasaxay inaad ku biirto WADDANI?”

Ayuu qoraalkiisa ku soo gabo gabeeyey Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Guray.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews