berberatoday.com
Madaxweyne Siilanyo Oo Shir Qarsoodiya Madaxtooyada Kula Yeeshay Salaadinta,Boqorada, Cuqaasha Iyo Waxgaradka Beeshiisa Kuna Booriyay Inay La Shaqeeyaan Xisbiga Kulmiye Iyo Musharax Muuse Biixi Iyo Suldaanka Guud Ee Beeshaas Oo Ku Gacan Seydhay
October 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa (Ilays-News):-  Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa habeen hore kulan shir ah madaxtooyada kula yeeshay salaadiinta iyo wasiirada beeshiisa.

Kulanka oo aanay wax war ahi ka soo bixin, balse laga soo dhex tuuray sawiro dhawr ah oo aan weliba madaxtooyada ka soo bixin ee dad shacab ahi baraha bulshadu ku xidhiidho soo geliyeen, ayaa noqday mid ay bulshadu su’aalo iska weydiisay.

saladiin

Waxaana Soo baxay oo baraha bulshadu ku xidhiidho lagu baahiyay warar sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo beeshiisa kala hadlayay arrimo siyaasadeed oo khuseeya mustaqbalka xisbiga KULMIYE ee uu aasaasay, iyadoo ay maalmahan soo baxayeen warar sheegaya inuu guddoomiyenimada xisbiga doonayo in lagu wareejiyo siyaasi ka soo jeeda beeshan kaaso oo la hadal hayo inuu noqonn doono wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi sida ay sheegayaan warar aan la hubini.

Laakiin waxaan shirkaas ka dhex muuqan oo aan ka qayb gelin qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan uguna miisaanka culus beesha madaxweynaha oo  ay ka mid yihiin guddoomiyaha golaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan, guddoomiye-xigeenka xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Gaafaadhi.Labada masuul ee katirsan hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa iyagu ka biyo diiday kursima Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Madaxweyne Siilanyo uqalqaalinayo in lagu fadhiisiyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaaashi Cabdi.

Kulanka waxa ka qayb galay salaadiinta, boqorada iyo qaar ka mid ah cuqaasha beesha Madaxweyne Siilaanyo, waxaana weheliyay saddex wasiir oo iyaguna ka soo jeeda beesha madaxweynaha oo kala ah wasiirada madaxtooyada, hawlaha guud, wasiirul dawlayaal,  dib u dejinta iyo shakhsiyaad kale oo iyaguna beeshaas ka tirsan.

kulankan ayaa wararka kasoo baxayaa waxa ay sheegayaan inuu Madaxweyne Axmed Siilanyo ku amray Salaadiinta.Boqorada, cuqaasha iyo waxgaradka Beeshiisa inay la shaqeeyaan Musharaxa madaxweynaha xisbiga Kulmiye ahna gudoomiyaha Xisbigaas Mujaahid Muuse Biixi Cabdi. waxase arinkaas ka horyimi oo codsiga Madaxweynaha gaashaanka udaruuray Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Jeclo Suldaan Cabdillahi  Suldaan Cali Muuse oo Madaxweyne Siilanyo ugu baaqay inuu kursiga Madaxtinimada sii xejisto mudo kordhina diyaarsado Maadama oo aanu maanta dalka Musharax ka ahayn Masuul kasoo jeeda Beesha Habar jeclo sidoo kale waxa uu Suldaan cabdillahi Suldaan Cali Muuse uu Madaxweynaha usheegay inaanay beeshoodu filayn inay dalka dib uhogaamiyaan maadama oo colaado badan iyo godobo tira badan beeshu gashay mudadii ay hogaanka dalka haysay.waxaanu tusaale usoo qaatay suldaanku inaanu maanta Xisbiga Kulmiye awood uu dalka ku hogaamiyo ama lagu doorto lahayn awoodii iyo qoorweyntii siyaasaduna isugu biyo shubtay Xisbiga Waddani calanka guushuna uu saaranyahay Xisbigaas waddani oo beesha Madaxweyna Siilanyo aanay faa,iido ugu jirin inuu guulaysto.

Sidoo kale Wasiirada Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi Iyo Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan ayaa iyaguna hadalka Suldaanka Guud ee Beelaha habar Jeclo kasoo yeedhay aad uga cadhooday iyaga oo diidanaa go,aanka uu ku dhawaaqay ee ah inaan doorasho dalka ka dhicin Xisbiga Kulmiyena la taageerin sida ka muuqata sawirka laga helay kulankaas waxa uu muujinayaa ismaandhaafka ka dhacay kulankaas iyo anfariirka ka muuqada labada wasiir oo kacaa fadhiistay.waxse isaga uu arinka Suldaanka Guud uu taabtay Wasiirka Madaxtooyada oo quudaranaya inuu Mar uun noqodo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye waana arinka uu Madaxweyne Siilanyo usii gogol xaadhayo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa noqonaya madaxweynihii u horeeyay ee beeshiisa shir gaar ah kula gala xarunta madaxtooyada, waana talaabo ugub ah oo aan lagu arki jirin madaxweynayaashii hore ee Marxuum Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, waana sababta ay ilaa shalay markii sawiradan la baahiyay bulshadu su’aalaha iskaga weydiinaysay sababta uu madaxweynuhu shirkan u qabtay, maadaama oo uu madaxweyne u yahay umadda Somaliland oo dhan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews