Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale Oo Xanuunkiisa Lagu Daweynayo Dhakhtar Ku Yaala Wadanka Hindiya Iyo Xaaladiisa Caafimaad
October 27, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

C/raxmaan yuusuf Ducaale (Boobe) oo Muddo Xanuun kalyaha ah ujiifay Cusbitaal ku Yaala Wadanka Hindiya ayaa lagu Guuleystay Qaliin lagu Sameeyay kaliyihiisa ka dib markii Wiilkiisa Yuusuf u Saaray Kalidiisa.
Sida Berberatoday.com ka heshay mid ka mid ah Ehelada Boobe Yuusuf Ducaale ayaa sheegay in Boobe Caafimaad qabo insha allaah dhawaana la Filayo inuu kusoo Guryo Noqdo Hoygiisa Magaalada Hargeisa.
Boobe Yuusuf Ducaale ayaa ka mid aha Haldoorka Somaliland ee Qaamuuska u ah Bulshada isla markaana kaydiya Taariikhda Bulshada Reer Somaliland.