berberatoday.com
Nin Maraykan Ah Oo Sheegay In Soomaalidu Harraad U Qabaan Diinta Kiristaanka iyo Kiniisad Laga Furay Hargeysa
October 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Tim Pledger oo ka mid ah Urur Xaruntiisu tahay Dalka Maraykanka oo u dhaqdhaqaaqa Fidinta Diinta Kiristaanka, ayaa sheegay in Dadka Soomaalida ahi harraad u qabaan inay si furan u ogaadaan Diinta Kiristaanka.

Ninkan, ayaa 22-kii bishan Oktoobar bogga uu ku leeyahay Facebook ku baahiyey qoraal ay la socdaan Sawirro uu ka qaadday badhtamaha Hargeysa, gaar ahaan Diyaaradda Dal-jirka Dahsoon, waxaanu qoraalkaasi ku sheegay inuu la kulmay Dad Kiristaan ah oo qaarkood Soomaali yihiin.

Ninkan oo Tilmaan ka bixinaya Sawirrada Diyaaradda Dal-jirka Dahsoon, ayaa qoraalkiisa ku bilaabay oo yidhi, “Wixii iiga muuqday Daaqadda Huteelkayga ee Hargeysa Somaliland.”

Tim Pledger waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay inuu la kulmay Dad Kiristaan ah oo qaarkood Soomaali yihiin, “Anigoo Fasax u haysta waxaan la kulmay Dad badan oo Kiristaan ah oo qaarkood Soomaali yihiin.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Dadkani waxay si weyn u aqbaleen fidinta Diinta Kiristaanka.”

Ninkan Fidinta Diinta Kiristaanka u yimid Somaliland, ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Diyaaradda Dal-jirka Dahsoon ee uu sawirkeedda qoraalkan soo raaciyey in Diyaaradda qayb ka ahayd duqeymo ay ku dhinteen Illaa Afartan kun oo Qof oo Shacabka Somaliland ka mid ah.

“Xorriyaddu imika waxay u baahan tahay in lagu Xaqiijiyo Diin. Dadka Soomaalida ahi waxay u harraad qabaan inay si furan u gartaan oo ay jeclaadaan Kiristaanka.” Ayuu qoraalkiisa ku yidhi.

Arrimaha Noocan oo u baahan in khatartooda laga digtoonaado, Maaddaama oo Shacabka Soomaalida ee reer Somaliland ka mid yihiin ay boqolkiiba boqol Muslimin yihiin, ayaa waxay ku soo beegmaysa Xilli uu Nin kale oo dhawaan dib uga laabtay Hargeysa uu sheegay in Magaalada Hargeysa laga hirgeliyey isla-markaana dib ay shaqadeedii Fidinta Diinta Kiristaanka u bilowday Kiniisad uu sheegay inay Hargeysa ku taallo, taasi oo qayb ka ah Kiniisadda (Catholic Church) ee Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga.

Bishop Giorgio Bertin oo ah Wakiilka Kiniisadaha ay Muqdisho iyo Hargeysa ku leedahay Kiniisadda Kaataligga ee Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga, ayaa Saxaafadda u sheegay in dib loo furay Kiniisaddoodii Hargeysa.

Ninka Baadariga ah, ayaa sheegay in qaar ka mid ah Madaxda Somaliland uu Sannadkii hore kala hadlay sidii dib loogu furi lahaa Kinisadda, taasina hirgashay oo dib loo furay.

“Dad badan ma yimaaddaan Kiniisadda, ugu yaraan waa Toban Qof, laakiin taa Lafteedu waa Muhiim.. ayuu Baadarigani u sheegay Saxaafadda.

Wallow Ninkani ku Magacaaban yahay Wakiilka Kiniisadaha Muqdisho iyo  Hargeysa, haddana waxaan u suurto-gelin inay dib u furaan Kiniisadda Muqdisho, “Ma jiro Hab suuro-gelinaya in la furo Kiniisaddii Muqdisho.” Ayuu yidhi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews