berberatoday.com
Qisada Heesta caanka ah ee ‘Gacantu Raaxo Daranaa’!!QALINKA: CUMAR CALI XASAN (SEERBIYA)
October 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sannadkii 1975-kii Abwaanka caanka ah ee Xasan Xaaji Cabdilaahi oo loo garan ogyahay Xasan Ganay waxa uu allifay riwaayad uu u bixiyey ‘BIDAARI SIBIQBAY KUGU GASHAA’. Riwaayaddaasi hobolladii ku jiray waxa ka mid ahaa Boon Xirsi Bowdyo gaab, Meecaad Miigane, Aamina Cabdilaahi Xirsi, Xasan Aadan Samatar iyo Alla Ha U Naxaristee Fannaankii weynaa Maxamed Yuusuf Cabdi .
Qaybta aan u socdo oo ah heestan oo uu laxameeyey sida la ii sheegay Axmed Nuur Jaangoo waxa sababteedu ahayd Fanaanka Xasan Aadan Samatar oo riwaayadda ku matalaayey magaca Raage Faarax Qamaam waxa uu jeclaanayaa Aamina Cabdilaahi Xirsi oo magaca ay riwayadda ku jilaysaa yahay Hibo Maax Maxamed oo uu dhalay sida riwaayadda ku jirta Meecaad Miigane oo isna ku jilaaya magaca Maax Maxamed.14718666_955071184599398_2967098620240918201_n
Raage oo Xasan Aadan Samatar ah ayey heshiinayaan ka dibna waxay isku af-garanayaan inay Aabbaheed u sheegto iyada oo waliba u raacinaysa magaca ninka soo doonaya in la yidhaahdo Raage Faarax Qamaam .
Fannaankii Maxamed Yuusuf Cabdi oo isna magaciisu yahay Raage Faarax Qamaam ayaa ka imanaya qurbaha ka dibna waxuu ka helayaa Aamina oo markan u doonan Raagaha kale ee Xasan Aadan ah.
Markay u sheegto ayuu Boon Xirsi oo la socday oo askari ah rabana inuu shaxaado Raagaha qurbaha ka yimi uu ku odhanayaa ninkan waan xidhayaa aabaheed ee gabadha weydiiso oo maadaama ninka ay u doonan tahay aad isku magac tihiin waxaanu la socdaa sheekada inaanay Xasan iyo Meecaad wali is arkin sheeko maqal mooyaane.
Meecaad oo ah Maax ayay Boon Xirsi iyo Maxamed Yuusuf u tagayaan, markay weydiistaan gabadhii ayuu isna ku odhanayaa magacaa waxuu u sheegayaa inuu yahay Raage Faarax Qamaam sidii ayaa lagu siinayaa oo loogu dhisayaa.
Fanaanaddii Aamina Cabdilaahi waxa ay kaliya ogtahay in la siiyey Raage Faarax Qamaam oo ay moodayso kii ay u doonanayd. Habeenkii markii loo aqal geliyey ayey ogaanaysaa xaajadu sida ay tahay, sidaasi ayeyna ku qaadaysaa heesta ‘GACANTU RAAXO DARANAA GUUDKAYGA SAARANI GO’A YAA ILA HUWADAY’ .
Erayada Heesta ‘Gacantu Raaxo Daranaa’
Erayada: Xasan Xaaji Cabdillaahi
Laxanka: Axmed Nuur Jaangoo

‘Galaw Taah Gu’ Madaxii
Goohyoo Galaa Yimid
Guuguule Faal Dhigay
Garan Waa Minkaw Baxay
Isna Baalasha Is Goo

Anna Gocashadiisii
Gef U Dhacay Ismoodsiis
Waa Waxaan Galgalashada
Anoo Gam’ay Gadood Ciil
Garta Ugu Naqaayee

Gurigii Jacaylkiyo
Hooygii Godobta
Keebaan Gogoshiisi Ku Hurdaa
Go’a Yay La Huwaday
Gacantu Raaxo Daranaa
Guudkayga Saarani!

Golcasta Iyo Sibir Godan
Kala Jeedi Geeluba
Isna Garay Habeed Gubi
Gondaha Inuu Ku Leeyahay
Waanu Galab Cadceedsaday

Dhiiggii Guntamay Iyo
Gujo Maqan Gunaad Oge
Anna Nabar Ii Gaaroo
Gaaroodis Diidaa
Garka Iga Damqanayee

Gurigii Jacaylkiyo
Hooygii Godobta
Keebaan Gogoshiisi Ku Hurdaa
Go’a Yay La Huwaday
Gacantu Raaxo Daranaa
Guudkayga Saarani!

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews