berberatoday.com
Jaamacad Macallin La’aan Wax Laga Baranayo Oo Laga Furay Gobolka California Ee Dalka Mareyknaka
October 28, 2016 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Jaamacad loogu magac-daray 42, oo magaceeda la sheegay in laga keenay macnaha nolosha, isla markaana ka timid Filimka Taxanaha ah ee Hitchhiker’s Guide to the Galaxy, ayaa laga furay gobolka California ee dalka Mareykanka.

2

Jaamacada Maraykanka oo qayb ka ah jaamacad ku taala dalka Faransiiska oo ay isku magac yihiin, waxay ku tababari doontaa illaa kun arday sanad walba sida loo sameeyo borogaraamyada Kombuterka, iyadoo u ogolaanaysa inay iska caawiyaan borogaraamyada, kaddibna ay isku saxaan, taasoo wax looga baranayo macallin la’aan.

Tani ayaa waxay u eg-tahay sidii ruux indhaha la’aan ah oo loo hagayo, wayna adag tahay in la qiyaaso Waalidka imanaya maalinta ugu horaysa inay jeclaadaan jaamacad aan lahayn macallin.

Laakiin tan iyo markii jaamacada 42 ay ka bilaabmatay Paris sanadkii 2013, codsiyada loo soo dirsado ayaa aad u kordhay.

Waxbarasho lacag la’aan ah;

Dadkii dhawaan ka baxay jaamacada waxay hadda u shaqeeyaan shirkadaha ay ka midka yihiin IBM, Amazon, Tesla, iyo kuwo bilaabay shirkado ay iyagu iska leeyihiin.

Jaamacada 42 ayaa waxaa aasaasay ninka Faransiiska ee maalqabeenka ee leh shirkadda teknoolajiyada ee Xavier Niel, oo taageeradiisa ay micnaheedu tahay in lagu dhigan karo jaamacada lacag la’aan, gurigana uu yahay lacag la’aan.

Mr Niel iyo ninka la aasaasay ayaa leh xirfado teknoolajida iyo aasaasidda shirkadaha, waxayna ku samaynayaan waxbarashada waxa uu Facebook ku sameeyay isgaarsiinta iyo Airbnb waxa ay ku samaysay qaabka loo ijaarto guryaha.

Waxay isku dayayaan inay sameeyaan inay isku daraan “in wax la isla barto” iyo in la sameeyo barnaamij wax lagu baranayo. Labadooda ayaa ah hab ay jecel yihiin cilmi baarayaasha waxbarashada, laakiin habkan macallinka ayaa dusha kala soconaya.

Ardayda jaamacada 42 ayaa la siinayaa inay kala doortaan barnaamijka ay rabaan inay sameeyaan, oo la mid ah mid ay samayn lahaayeen haddii ay joogi lahaayeen goobta shaqada, sida inay sameeyaan website ama barnaamijyada kombuterka.

Waxay dhameeyaan barnaamijka iyagoo isticmaalaya xog si lacag la’aan ah internetka looga heli karo iyo caawinaad ay ka helayaan ardayda kale. Sidoo kale waxay shaqada ku qabtaan qol aad u wayn oo ay yaalaan kombiyuutaro adan, arday kale ayaa markaas loo xulayaa inuu saxo shaqadooda.

Borogoraamyada kombuterada lagu ciyaaro, ardayda ayaa la waydiinayaa inay sameeyaan barnaamij oo ay ku tartamaan barnaamijyada. Waxay dhamaynayaan jaamacada markay gaaraan heerka 21-aad, oo qaadata saddex ilaa shan sano. Markii ay dhameeyaan waxay qaadanayaan shahaado laakiin ma qaadanayaan degree.

Aasaasid;

Dadka aasaasay ayaa sheegaya in habkan waxbarashada ay buuxinayso waxyaabaha ka dhiman habka waxbarashada caadiga ah, oo ay sheegeen inay ka dhigto ardayda inay noqdaan kuwo cilmiga macallinka oo kaliya ka qaadanaya.

“Jawaaabta aan ka helnay shirkadaha in ardaydeenna ay yihiin kuwa mar walba raadsha xogta ay u baahan yihiin, inta ay waydiin lahaayeen madaxdooda waxa ay samayn lahaayeen,” ayay sheegtay Brittany Bir oo ah madaxa howlgalka jaamacada 42 ee California oo ka soo baxday jaamacada qaybteeda Paris.

Kabarashada barah;

“Wax isla barashada ayaa horumarisa kalsoonida ardayda inay raadiyaan xal, badanaa si hal abuur ah oo aqli badan.”

Ms Bir ayaa sheegtay in ardayda ka soo baxday 42 ay ku fiicnaan doonto la shaqaynta dadka, ka wadahadalka fikradahooda iyo difaacida – taasoo ah xirfad looga baahan yahay shaqada.

“Tani waa muhiim gaar ahaan dhinaca barnaamijyada kombuterka, taasoo dadka sameeya lagu yaqaano inaysan lahayn xirfad dad la dhaqmid,” ayay sheegtay.

Fikradda wax isla barashada ma aha wax cusub, jaamacado badan iyo iskuulo ayaa isticmaala, gaar ahaan maadooyinka la wada shaqeeyo sida injineernimada.

Sida la sheegay falsafad yaqaanka, Aristotle, ayaa lahaan jiray arday hogaamiyayaal ah, oo ka caawiya waxbarida ardaydiisa. Laakiin daraasad la sameeyay dhawaan ayaa sheegtay in wax isla barashada ay ka caawinayso ardayda inay fahmaan maadada.

Professor Phil Race oo ku xeel dheer waxbarashada ayaa sheegay in maadooyinka ay fududaanayaan markii ay micneeyaan qof dhawaan bartay.

Qiimaha Wax-baridda;

Professor Dan Butin, oo ka tirsan Merrimack College ee Massachusetts, ayaa u malaynaya in jaamacada 42 ay aad u fogaatay markii ay macalimiintii oo dhan ay meesha ka saartay. Daraasadiisa waxay muujinaysaa in wax isla barashada ay fiican tahay markii macallin uu kormeerayo.

“Sababta ugu wayn ee macallin loogu baahan yahay waxay tahay inuu ardayda ku hogaamiyo sidii ay uga gudbi lahaayeen waxyaabaha dhibka badan, macnaha badan, aadkana u adag oo awoodooda ka baxsan.” ayuu dhahay.

“Macallimiinta fiican waxay awoodaan inay ardayda u horseedaan inay wax fahmaan.

Prof Butin, ayaa sheegay “macnaha guud ee jaamacada inay tahay in laga shaqaysiiyo waxyaabihii ay ardayda horay u yaqaaneen iyo sida ay u arkaan adduunka.”

Habka jaamacada 42 ayaa ka duwan habka Moocs, oo ah waxbarasho internetka laga barto, taasoo u suurto galisay in arday badan ay internetka ka bartaan maadooyin si raqiis ah.

Sida Moocs, waxay bixisaa waxbarasho badan oo ardayda ay awoodaan oo ka duwan jaamacadaha caadiga. Laakiin waxay kaloo siisaa faa’iido bulsho oo ay dadkii ay dhismo isugu imanayaan iyo inay is dhexgalaan maalin walba.

Ugu dambeyn, Furitaanka Jaamacaddaan 42 ayaa timid markii ay bateen akadeemiyayaal lagu dhigo barnaamijka kombuterka ee dalka Maraykanka, oo bixiya koorsooyin gaaban oo ay qaataan kumanyaal arday oo doonaya inay ka faa’idaystaan baahida korortay ee loo qabo arday xirfadaha barnaamijyada kombutarada leh.

2345

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews