berberatoday.com
Kooxdii Daacish Oo Ka Baxday Degmada Qandala Ee Maamulka Puntland
October 28, 2016 - Written by Berbera Today

Garoowe(Berberatoday.com)-Dagaalyahanadii ka tirsanaa Daacish ee shalay qabsaday degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa xalay isaga baxay magaaladaasi, iyadoo ciidamo ka tirsan kuwa maamul Goboleedka  Puntland ay ku wajahan yihiin degmadaas.

Dagaalyahanadan ayaa intii ay ku sugnaayeen Qandala wax dhibaato ah aan u  geysan dadka yar   ee ku hadhay deegaanka.

Wararka qaar  ayaa sheegaya in dagaalyahanadan ay galeen dhanka buuraha, oo markii hore ay ka yimaadeen.

Xaalada deegaanka Qandala ayaa maanta laga soo sheegayaa inay tahay   mid degan, waxaana shalay illaa xalay dul heehaabayay diyaarado aan la ogeyn halka laga leeyahay, hase ahaatee dhinaca badda ka yimid.

Qandala ayaa qiyaastii 77km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee maamulka Puntland , waa deegaan istiraatiiji ah oo caan ku ah jilaabashada kalluunka.

Waa markii u horeysay oo dagaalyahano ka tirsan Daacish ay la wareegaan deegaan ka tirsan Soomaaliya, tan iyo markii kooxdan shaacisay inay saldhig ku leedahay gudaha dalka  Soomaaliya.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews