berberatoday.com
“Ma Jirto Kaniisad Cusub Oo Hargeysa Laga Furay. Laakiin Waxa Ku Taalla Kaniisad Ay Leeyihiin Dadka Ehlu-kitaabka Ah…..” Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillahi Axmed
October 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa sheegay in aan dalka Somaliland laga ogolayn oo ay mamnuuc ka tahay fidinta iyo faafinta diin kasta oo aan ahayn diinteenna suubban ee Islaamka cid kasta oo lagu qabtaana ay tahay dambiile ku gefay sharciga iyo dastuurka Somaliland oo caddeeyay in aan diin aan Islaam ahayn faafinteedu ay ka reeban tahay guud ahaan dalka Somaliland.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay wadaan ka wasaarad ahaan baadhitaanno rasmi ah oo lagu ogaanayo wararka ay warbaahintu qortay xaqiiqadooda iyo siday wax uga jiraan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland,ayaa sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu xalay khadka talefoonka ku siiyay wargeyska Dawan.

Ugu horrayn Wasiirka  Diinta iyo Awqaafta oo ka  hadlayay wararka sheegayay in dalka uu yimi nin Maraykan ah oo fasax u haysta in uu fidiyo diinta Kiristaanka,ayaa  yidhi. “Waxaan dadka reer Somaliland u sheegayaa in dalka Somaliland ay mamnuuc ka tahay fidinta iyo faafinta diin kasta oo aan ahayn diinteenna suuban ee Islaamka cid kasta oo isku dayda in ay diin aan Islaam ahayn Somaliland ku faafisaana waa dambiile qaran oo tallaabo laga qaadayo mana jirto cid odhan karta fasax ayaan u haystaa sababtoo ah qoddob dastuuriya weeyaan in Somaliland dal ahaan iyo dad ahaan toona in aan lagu faafin karin diin aan ta Islaamka ahayn, waxaanan hadda wadnaa baadhitaano la xidhiidha wararka ay warbaahintu qortay ee ay sheegeen in ay ka soo xigteen baraha bulshada, midna waa in la wada ogaadaa taasoo ah dalka Somaliland in uu cadaw badan leeyahay oo wax kasta laga sheegi karo iyo in baraha bulshada lagu faafin karo warar ku lid ah Somaliland,imikana waxaanu wadnaa baadhitaan rasmi ah oo aanu ku xaqiijinayno socdaalka  ninkaa iyo cidda keentay dalka iyo intii uu joogay iyo wuxuu ku hawlanaa.”

Wasiir Sheekh Khaliil oo ka hadlayay warar sheegayay in Kaniisad laga furay Hargeysa,ayaa yidhi. “Horta ma jirto wax kaniisad cusub ah oo Hargeysa laga furay laakiin waxa  Hargeysa ku taallay Kaniisad ay leeyihiin dadka ehlu kitaabka ah oo ay ku cibaadaystaan Kaniisadana hada lama furin ee waa mid qadiimi ah oo jirtay waxaana ku cibaadaysta dadka ehlu kitaabka ah ee ajaanibka ah ee dalka ku sugan waxaana ka reeban in ay kaniisada u isticmaalaan meel ay diinka kiristaanka ka faafiyaan waxaana loo ogol yahay oo kaliya in ay ku bicaadaystaan,mida kale waxay kaniisadu tahay mid ay dawladdu ku ogtahay oo loo ogol yahay oo kaliya in ay ku cibaadaystaan dalkana wax kale oo kaniisad ah oo ka furan iyo mid cusub oo laga hir galiyay midna ma jirto.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews