berberatoday.com
Maxaa Loo Daawanayaa Qiime Dhaca Ku Yimid Lacagtii Qaranka Somaliland?
October 28, 2016 - Written by Berbera Today

Lacagta SomalilandHargeysa(Berberatoday.com)-Shantii sannadood ee u dambaysay waxa isa soo tarayay qiime dhac ku yimid lacagtii shillinka Somaliland oo ku yaraatay suuqyada, ka dib markii ay cidhiidhi geliyeen lacagaha qalaad oo uu u horeeyo Dollarku.

 

Lacagta Somaliland ayaa sannadahan u dambeeyay maraysa heerkii ugu hooseeyay, waxaana suuqyada dalka ku yaraaday in wax lagu kala iibsado lacagta Somaliland. Sidoo kale noodhadh ka mid ah lacagta ayaa iyaguna sannadahan dambe u muuqda inay suuqyada ka sii baxayaan oo dabar go’ayaan.

Dabar go’a iyo qiime dhaca lacagta Somaliland waxay ku soo beegmaysa wakhti uu talada hayo Madaxweyne Siilaanyo oo ah khabiir dhaqaale yahan ah, waxaanu dhawr jeer isku dayay in xukuumadiisu samayso qaaciidooyin ay ku xoojinayso lacagta shilinka Somaliland. Laakiin dhammaan talaabooyinkaas ayaa noqday kuwo aan shaqaynin.

Dadka dhaqaalaha iyo dejinta lacagaha aqoonta u leh ayaa aragiyo kala duwan ka qaba sababaha ay lacagta Somaliland suuqyada uga sii baxayso. Qaar ka mid ah ayaa aaminsan in lacagaha la isaga diro telefoonada gacantu yihiin sababta koowaad ee curyaamisay dhaqdhaqaaqa lacagta shillinka Somaliland, waana sababta ay xukuumadda Somaliland u soo rogtay in adeegyada telefoonada ee lacagaha lagu daro shillinka Somaliland. Laakiin lama arag wax isbedel ah oo daryeel u noqon kara lacagta dalka.

Qaar ka mid ah dadka dhaqaalaha aqoonta u leh ayaa iyaguna aaminsan in gaabis ka muuqda dhinaca baanka dhexe ee Somaliland, waxaanay aaminsanyihiin in baanka oo dhinac walba laga xoojiyaa tahay fure soo celin kara meeqaamkii lacagta Somaliland taagnayd, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo oo u muuqda inuu dareenkaas qabaa uu sheegay in la dardargelin doono islamarkaan la xoojin doono baanka.

Xukuumadda Somaliland ayaa mar mamnuucday in wax lagu kala iibsado lacagaha qalaad islamarkaana waxay amar ku bixisay in suuqyada lagu kala adeegto lacagta Somaliland. Laakiin amarkan ayaa isna noqday hal bacaad lagu lisay.

Laakiin talaabadan oo la xoojiyo islamarkaana si sharci ah loo hirgeliyo ayay dad badani u arkaan inay ka mid tahay talaabooyin dhawr ah oo soo celin karto heerkii ay lacaga Somaliland taagnayd dhawr sannadood ka hor oo ah in qof waliba si rasmi ah u isticmaalo lacagta dalkiisa.

Madaxweyne Siilaanyo oo sannadkan horaantiisii khudbad u jeediyay labada gole baarlamaan ayaa isagoo qiime dhaca lacagta ka hadlaya wuxuu  yidhi “Lacagta Qarankani uu leeyahay waa Shillinka Somaliland. Waxaa hubaal ah in lacagteenii uu ku yimi qiimo dhac, ka dib markii ay suuqa iyo seyladda ganacsiga ku cidhiidhyeen lacago qalaadi.”

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu maalintaas soo bandhigay dhawr talaabo oo uu u arkay inay soo celin karaan meeqaamkii lacagta Somaliland taagnayd.

Hase yeeshee, talaabo kasta oo xukuumadda Somaliland qaadaa ma noqonayso mid tis qaada oo shaqaysa haddii aanay shacabka Somaliland iyo ganacsatada dalku daacad ka noqon hirgelinta lacagta wadanka.

Xukuumadda Somaliland waxa waajib ku ah in iyadoo fulinaysa ilaalinta distoorka iyo qaranimada Somaliland ay ka shaqayso  soo celinta in suuqyada wax lagaga kala iibsado lacagta Somaliland , lana joojiyo lacag kasta oo qalaad oo qaab kasta wax loogaga iibsanayo suuqyada dalka, waana inay talaabooyinkani noqdaan kuwo amar sharci ah oo lagu fulinayo ciddii ka hortimaada, si loo badbaadiyo lacagta dalka.

Sidoo kalena shacabka waxa  la gudboon inay ogaadaan in lacagta dal leeyahay ka mid tahay fureyaasha muujinaya madaxbanaanida dalkaas, waxaana waajib ah in laga digtoonaado  qaab kasta oo lagu tirtirayo lacagta Somaliland. Macnuhu wuxuu yahay in la ilaashado lacagta wadanku leeyahay.

Muwaadin, waxa inoo balan ah ilaalinta iyo daryeelka lacagta dalkeena oo ah mid inooga qiime badan wax kasta oo aynaan lahayn oo ah hanti shisheeye.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews