Ninka Loo Aqoonsaday Kan Adduunka Ugu Guursi Badan Oo Baadi Goob Ugu Jira Haweenaydii 108aad Iyo Tirada Ubadkiisa Oo Kor U Dhaasfay 185 Ubad Ah
October 28, 2016 - Written by Berbera Today
Lagos/Nigeria(Berberatoday.com)-Maxamed Bello Abubakar oo ah nin muslim ah oo u dhashay waddanka Nigeria ee galbeedka qaaradda Afrika oo hore loogu aqoonsaday kan adduunka ugu guursiga badan ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo mar kale in uu guursado isaga oo isu diyaarinaya in uu qorsheeyo guurkiisii 108aad isaga oo hore ula soo aqal galay 107 haween ah oo hore u soo wada guursaday tan iyo intii uu qaan gaadhka ahaa ee uu damcay in uu guursado.

Inkasta oo dhawaan la shaaciyey in Maxamed Bello Abubakar uu geeriyooday haddana warbaahinta waddanka Nigeria ayaa beenisay in warkaasi beenoobay isla toddobaadkana uu shaaciyey in uu isu diyaarinayo guurkiisii 108aad caafimaadkiisuna wanaagsan yahay isaga oo guurka badan u arka caado dhaqan ahaan barakaysan oo ay dadkiisu qabaan inkasta oo uu noqday deegaankiisa iyo adduunka kaleba kan ugu guursiga badan.