“Culimadu Waxay Leeyihiin Ninku Afar Bilood Xaaskiisa kama maqnaan Karo,Si Loo Badbaadiyo Akhlaaqda Muslimiinta” Sheekh Aadan Siiro
October 29, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbadaha Jimcaha ee uu ka jeediyo Masaajidka uu Khaddiibka ka yahay ee Xaafadda Xawaadle ee Magaalada Hargeysa, kaga hadla Arrimaha khuseeya Bulshada, si wixii khaldan loo saxo, ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay sida aanay u wanaagsanayn in Qofku uu Ehelkiisa ama Beeshiisa uu ka dhashay uu isku barbar-taago Xaq-daro.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidh, “Rasuulku wuxuu yidhi kii Ehelkiisa ku kaalmeeya Arrin aan xaq ahayn, ee isku barbar taaga waa Reerkayagii, waa sidii Nin Dabada qabsaday Awr ku koobtay Ceel dheer.”