berberatoday.com
Gacan Mariskii U Dambeeyay Ee Dhulka Danta Guud Ah Ee Ay Xukuumadda Siilaanyo Faasaxday Bilihii U Dambeeyay Iyo Goobo Halbawle Ah Oo Doorkan Loo Dhacay
October 29, 2016 - Written by Berbera Today

Gudaha Ka Akhri Jihooyinka Aadka Ukala Fog Ee Ay Goobahani Kaga Yaallaan Caasimadda Hargeysa Iyo Muhiimadda Ay Lahaayeen

muuqaalka-hargeysa1

Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar xog ogaal oo Wargeyska Foore Soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda iyo Dawlada Hoose ee Hargeysa oo iskaashanayaa ay bilihii u dambeeyay faasaxeen goobihii u dambeeyay ee Dhulka Danta Guud ka hadhsanaa ee kuyaalay magaalada Hargeysa,kuwaasi sida la sheegay laga Iibiyay Ganacsato Waa weyn oo reer Somaliland ah.
Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay oo arintani ku saabsan ayaa noo xaqiijiyay in Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawlada Hoose ee Hargeysa Oo Iskaashanayaa ay labadii bilood ee aynu soo dhaafnay iib daba iskugu qabteen Goobo ay ka mid yihiin Xaruntii Injidii Dumbuluq oo ah dhul aad u balaadhan,dhismayaal Hankaro ahina ka dhisan yihiin, Geerashka Xarunta Dawlada Hoose ee Hargeysa ku dhegsan, ee dhinaca woqooyi kaga Toosaa ee ay Gaadiidka ku dayactirtaan iyo Barxadii Ka Dambaysay Garoonka Kubada Cagta ee Hargeysa Statium,halkaasi oo qaab baloodhayn ah loo iibiyay, islamarkaana Guryo badan oo kuwo xaasas galaan laga wada taagay,Waxaana sida lasheegay Halkaasi faasaxday oo qalinka ku duugtay Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo sida la sheegay Dhaqaale yari ka cabatay islamarkaana ay Wasaaradda Hawlaha Guud ku waafaqday.
Dhismaha Hangarada Baaqiga ah ee Injida Dunbuluq ee ka soo hadhay Iibkii ay kula kacday Dawladii UDUB gababadii mudo Xileedkooda ayaa sida la sheegay ay Hadda Dawlada Hoose iyo Xukuumadda Siilaanyo ka faasaxeen Nin ganacsade ah oo weyn oo reer Somaliland ah,oo Waliba Ganacsatada Jaadka soo waarida ka mid ah, kaasi oo lacag badan ku iibsaday oo ku dhaw,Sida lanoo xaqiijiyay Hal Milyan Oo Dolar. Waxa lacagtaasi badh qaatay Masuuliyiinta ugu saraysay Maamulka Dawlada Hoose ee Hargeysa,Sida Maayarka,Maayar Ku xigeenka iyo Xoghayaha Dawlada hoose Oo sida la sheegay isaga durba Lacagtaasi guri Fooq ah ku binaystay,Waxaanu dhaq dhaqaaqani Dhulkaasi lagu faasaxay ka mid yahay Gacan Mariska ugu dambeeya ee ay Xukuumadda Siilaanyo ku galalafayso Dhulka Danta guud ka hadhay ee kuuyaala Hargeysa ka hor intaanay Gaadhin Dhamaadka Mudo Xileedkooda ee Wakhtiga labaad ee loo kordhiyay oo ku eg Bilawga Sanadkan fooda inagu soo haya ee 2017-ka oo labada Bilood oo qudhihi inaga xigaan,Kaasi oo loo asteeyay inay Doorashada Madaxtooyaddu Dalka ka Qabsoonto.
Dhulka uu kuyaalo Geerashka Dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa sida la sheegay waxa la Wareegaya oo laga faasaxay Masuul ka tirsan Xukuumadda,Waliba kuwa ugu awooda badan,Waxaana sida la sheegay lagu wareejinayaa ka hor intaanay gaadhin Sanadkan inagu soo fool leh. Waa gacan Mariskii u dambeeyay ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Xaraashka dhulka danta Guud,Iyadoo hore ay u xaraashtay dhul badan oo Danta Guud ka mid ah,Waxa kale oo la tabayaa oo meesha ka maqan Doorkii ay arimaha Caynkan oo kale ah kulahaayeen Axsaabta Mucaaridku ee ay kaga qaylin lahaayeen Dawladda islamarkaana bulshada tooshka ugu ifin lahaayeen. Madaxweyne Siilaanyo ayaa Wakhtigii uu Mucaaridka ahaa Taageero badan ku helay Dhulkii Danta guud ahaa ee ay Dawladii UDUB iibisay,isagoo hadh iyo habeen ku qaylin jiray islamarkaana Bulshada ku tusi jiray sida uu uga xun yahay in Dhul danguud ah sifo aan sharciga waafaqsanayn loo iibiyo.

 

 

 

Xigasho Wargeyska Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews