berberatoday.com
“Xirsi Waa Nin Reerka Ah Haddii Uu Wax Macno Leh La Yimaaddo Waa Laga Tashan Karaa“Boqor Buurmadow
October 29, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland gaar ahaan Beesha Madaxweynaha, ayaa ka hadlay kulan ay dhowaan Madaxtooyada kula yeesheen Madaxweyne Siillaanyo isaga iyo madax-dhaqameed kale oo ay isku beel yihiin, waxaanu faah faahin ujeedada kulankaasi iyo waxyaabaha ay madaxweynaha kala hadleen.

xirsi

Boqor Buur Madaw oo  Khadka Telefoonka ugu warramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa sidoo kale ka hadlay warar sheegaya in ay madaxweynaha kala hadleen loolan ay guddoomiyenimada Kulmiye ugu jiraan Wasiirka Madaxtooyada iyo Guddoomiye ku xigeenka Kulmiye, waxaanuu sidoo kale ka hadlay hogaamiyaha Waddani ee loo doortay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan

Waraysigan  aanu la yeelanay Boqor Cismaan Buurmadaw waxa uu u dhacay sidan:-

S: Boqor kulanka aad madaxweynaha la yeelateen muxuu ku saabsanaa ee aad kala hadasheen?

J:  Annagu Siyaasiyiin maanaan ahayn, waxaanu ahayn Madax-dhaqameedkii Beesha, Madaxweynuhuna waa madaxweyne qaran beel walbana way la hadashaa, waxaanu ula hadalnay sidii uu beelaha kale ula kulmay, wax noo diidi karaana ma jirto, in aanu sida beelaha kale ee Somaliland ula kulanno, Muranna kama taagna hoggaanka Kulmiye Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo Afhayeenba way leeyihiin iyagana doortay wax annaga noo yaallana maaha oo ka beel ahaan rag dhaqanbaanu nahay, arrinkaasina mid aanu ku dhex jirno oo aanu Madaxweynaha kala hadalnay ama cid kale kala hadalnayna maaha.

S: Wararka qaar ayaa sheegaya in uu Maxamuud xaashi idin yeedhay oo aad madaxweynaha kala hadasheen loollan guddoomiyenimada xisbiga kulmiye ku saabsan maxaa ka jira arrintaas?

J: Annagu ka beel ahaan marnaba Madaxweynaha kalamaanaan shiray arrintaa hoggaanka Kulmiye, waxaan doonayaa in aan caddeeyo Guddoomiyaha Xisbigu waa Muuse Biixi, ku xigeenkiisuna waa Maxamed Kaahin, Afhayeenkuna waa Xasan Gaafaadhi wax loollan ah oo ka dhexeeya oo ay noola yimaaddeena ma jirto, Golahanu joognayna lagagama hadlin arrinkaas, na illaa hadda intaanu ognahay waa Wasiirka Madaxtooyada umaanu ololayn, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye-na kamaanu arag annaguna kumaanaan hadlin, wax khilaaf ah oo beesha Habarjeclo dhex yaallaana ma jirto oo ah mid Xisbi iyo mid maamul midna ma jiraan, annaguna dad khal khalka iyo dhibaatada abuura ma nihine madaxdhaqameed ayaanu nahay.

S: Boqor haddaa maxaad madaxweynaha kala hadasheen hadaad tihiin madax-dhaqameedka beeshiisa?

J: Madaxweynaha waxaanu kala hadlaynay wax annaga na khuseeya qarankana khuseeya  ayaanu kala hadlay, beel ayaanu nahay oo wax dadka iyo dalkaba islaax ugu jiro ayaanu kala hadlaynay madaxweynaha, abaarahaanu ka hadlaynay, Nabaddaanu ka hadlaynay oo wax badan ayaanu ka hadlaynay, wararka sheegaya in ay Guddoomiyaha Kulmiye isku haystaan Maxamed Kaahin iyo Maxamuud Xaashi-na waxba kama jiraan arrinkaasi been weeyaan, annaguna madaxweynaha kalamaanaan hadlay waa arrin been iyo dacaayad raqiis ah weeyaan, golaha aanu fadhinayna arrintaas lagagama hadlaynine dadka wax sheegayaa sidaa aad wax iisoo waydiiseen in ay iisoo waydiiyaan ayey ahayd, anagu in Xisbiga la wareejiyo madaxweynaha kalamaanaan hadlin shaqo aanu leenahayna ma aha, dadka doonaya in ay halkaa wax ka odorosaana waxaan leeyahay meelo kale wax ka ursada waxbana kama jiraan, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waa Muuse Biixi Maxamed Kaahinna waa ku xigeenkiisa, cid ilaa hadda la tartamaysa ama dabada ka riixaysana ma ogin, inta aanu ognahay waa intaas.

S: Tuhunno kala duwan ayaa ka dhashay kulanka aad madaxweynaha la yeelateene maxaad dadka kaga saaraysaa boqor?

J: Cidda uu dareen kaga dhashay kulankayaga madaxweynahana ka saari mayno oo Beelaha kale ee Somaliland-ba way la kulmaan annaguna beelahaas ayaanu ka mid nahay madaxweynaha la kulmayey, danahyaga ayaanu kala hadlaynay cid aanu aanu wax ka weydiinaynaana ma jirto saxaafadduna in ay baadh baadho maaha.

S: Boqor Buur madow siddeed u aragtaa Hogaamiyaha Xisbiga Waddani ee Xirsi Cali Xaaji Xasan Loo Doortay?

J: Annagu Madax-dhaqameed ayaanu nahay Xirsi-na isagaa fikirkiisa u madax banana, waddanina iyaga ayaa waxa ay dooranayaan u madax bannnaan iyaga iyo UCID iyo Kulmiye-na ma faro gelinayno, Xirsi Cali Xaaji Xasan-na waa nin Beeshayada ka mid ah haddii uu Waddani fikirkiisa la tago isaga ayaa u madaxbannaan haddii uu UCID tagana isagaa u xor ah, damiciisa isagaa u xor ah waana nin reerka ah wax dhibaato ah oo jiraana ma jiraan.

S: Boqor Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan cod ma u raadinaysaan haddii uu idiinla yimaaddo?

J:  Xirsi Murashaxna ma aha Guddoomiye Xisbina ma ahee taageerada aanu u raadinaynaa maxay tahay markaa?, waxa aanu u raadinayno ayaabanaan garanayne muxuu doonayaa oo aanu u raadinnaa, Noomaba cadda waxa uu doonayo iyo waxa uu hayaabee maxaanu taageero u raadinnaa Xirsi, Aniga oo afkayga ku hadlaya Xirsi waa nin reerka ah haddii uu wax macno leh la yimaaddo waa laga tashan karaa laakiin wax macno leh oo aanu ku taageerno kuma ogin, Beel arrinkeeda nin ma wiiqi karo waxna ma yeeli karo shaqsi beel waxba ma yeelo”

Dhinaca kale Boqor Buur madow waxa uu sheegay in xallinta colaadii labada beelood ku dhex martay ceelafweyn ay meel fican marayso oo uu rajo fiican ka qabo in ay si wanaagsan ku soo dhamaato, isaga oo umadda reer Somaliland-na ka codsaday in ay caawiyaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee reer Somaliland.

 

 

 Xigasho: Wargeyska Saxansaxo

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews