berberatoday.com
Xukuumadda Itoobiya Oo La Sheegay Inay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Waftigiisa waxka Weydiiso Saldhiga Ciidamada Carbeed Ee Berbera Inay Dawladda Masar Hoggaaminayso?.
October 29, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyo watfi ballaadhan oo u hoggaaminaayo ayaa Maanta gaadhay dalka Itoobiya, halkaasoo sida la sheegay ay waftigu kula kulmayaan madaxda dalkaas ugu sarreeysaa. Madaxweynaha ayaa la sheegay inay safarka ku wehelinayaan Marwada kowaad ee qaranka Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, iyo gudoomiyaha Xisbi xaakimka kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno ka mida golaha wasiirada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha. Safarkaasi oo qaadan doona maalmo kooban waxa uu madaxweynuhu la kulmayaa ra’isal wasaaradaha dalka itoobiya Hailemariam Desalegne.

Wararka laga helaayo ujeedada socdaalka Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tagay dalka Itoobiya ayaa laala xidhiidhiyey yeedhmo uga timi ama Marti qaad dalka Itoobiyo ugu yeedhay Hoggaamiyaha qaranka Somaliland. waxanay xogguhu tibaaxeen inay labada dawladood ka wada-hadlayaan arrimo Diblumaasiyadeed iyo sidoo kale xoojinta amniga labada waddan.

Wararku waxay intaas raaciyeen inay Xukuumadda Itoobiya waftiga Somaliland ee u hoggaaminaayo Madaxweyne Siilaanyo ay si gaar ah uga wada hadlayaan heshiis Xukuumadda Somaliland dalka Imaaraadka dhowaan soo kala saxeexdeen, kaasoo ahaa in Xukuumadda Somaliland Garoonka Diyaaraddaha ee Berbera soo dejin doonto ama kaba Kireysay Ciidamada Isbahaysiga Carbeed si ay Saldhig uga sameystaan.

Geesta kale, waftiga Somaliland ka socda ee maanta gaadhay dalka Itoobiya ayaa la sheegay inay Xukuumadda Adis-sababa kusoo qancin doonto inaanay dawladda Masar shuqul ku lahayn Ciidamada laga kireynaayo Saldhiga Ciidanka ee Berbera si Ciidamada isbahaysiga carbeed usoo degaan. Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac ayaa la filayaa inay arrimahaas kireynta Garoonka Berbera diirada ku saari doonaan kulamo ay yeeshaan. Hase-yeeshee Xukuumadda Itoobiya ayaa la sheegay inay saska qabto soo dejinta Xukuumada Somaliland ay dejinayso Ciidamo carbeed magaalada Berbera. Ciidamadaas oo ay Xukuumadda Itoobiya aaminsan tahay inay hoggaaminayso Dawladda Masaarida oo Itoobiya uu ka dhexeeyo dagaal Siyaasadeed iyo mid toos ah oo soo jireen ah, kaasoo salka ku hayaa Biyaha Wabiga Niil, oo ay dawladda Itoobiya ka sameysay Biyo-xidheen. Iyadoo Xukuumadda Masarka arrinkaa si weyn uga soo horjeedo, maadaama oo dhaqaale ahaan Xukuumadda Qaahiri noloshoodu ku tiirsan tahay Biyaha Webiga Niil. La soco wixii kasoo kordhaa.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews