berberatoday.com
“Cirro Waxaanu Waydiinaynaa, Isbeddelka Aad Dhalinaysaa Hal-beeggiisu Ma Ka Ismaaciil Hurre Buubaa-baa..”? Siyaasiga Maxamud Raage
October 30, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxamuud Raage oo ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa dhaliilay Aragtida ay Qarannimada Somaliland ka aaminsan yihiin Qaar ka mid ah Siyaasiyiin dhawaan ka soo laabtay Soomaaliya oo ku biiray Xisbiga WADDANI, kuwaasi oo uu ka mid yahay Ismaaciil Hurre Buubaa oo Xilal badan ka soo qabtay Dawladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya.

Maxamuud Raage oo Shalay Xarunta Xisbiga KULMIYE kula hadlay Saxaafadda, ayaa soo bandhigay hadallo uu sheegay inay Taariikhdu u kaydisay Ismaaciil Hurre Buubaa, kuwaasi oo uu sheegay inuu hore ugu sheegay in Gooni isku taagga Shacabka Somaliland tahay dhalanteen.

“Xisbiga WADDANI wuxuu Ummadda  u sheegay inuu Isbeddel Samaynayo, oo uu Waddanka ku soo kordhinayo Isbeddel, laakiin Xisbiga WADDANI wuxuu ka kooban yahay Rag Qiimo badnaa oo Sharaf lahaa oo ka yimid Federaalka, Dadkaa waxa ka mid ah Ismaaciil Hurre Buubaa oo Xilal ka soo qabtay Dawladda Federaalka Soomaaliya.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Ismaaciil Shir-jaraa’id oo uu Sannadkii 2005-tii ku qabtay Abu Dubai wuxuu ku sheegay in Shacabka Somaliland yihiin Shacab ku nool Dhalanteen, oo aan garanaynin meel ay ku socdaan iyo meel ay ka socdaan, hadafkooduna aanu Caddayn, markaa waxaanu waydiinaynaa Xisbiga WADDANI iyo Guddoomiye Cirro, isbeddelka WADDANI wadaa ma kaa Ismaaciil hurre Buubaa uu Abu Dubai ka sheegaybaa ?. Siyaasadda Xisbiga WADDANI waxaanu ka dheehanaynaa in Arrimahaa Ismaaciil Hurre Buubaa sheegay Hal-beeg u yihiin.”

Maxamuud Raage waxa kale oo uu sheegay, “Shacaboow, Ma waxa isbeddel idiinku yeedhaya Raggii mar keliya Dawladda ka dareeray ee doonayey inay Dabada Dhulka ugu dhuftaan Qarankaa aynu ku wada hoos nool nahay.? Ma nimanka u nixi waayay Dawladda uu Hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa u joogaya Dawlad uu Cabdiraxmaan-Cirro dhaliyo, waxaan leeyahay ‘leg Ninkii Siiyeybay dishaa liidda doqoneed’..” ayuu yidhi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews