FBI-da Maraykanka Oo Mar Kale Caqabad Hordhigtay Hillary Clinton –
October 30, 2016 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Booliska Federaalka Maraykanka ee FBI ayaa dib u bilaabey baadhitaan cusub, kadib markii ay heleen xog cusub oo la xidhiidha Emailka sida gaarka ah ay u isticmaashey musharaxa Madaxweynaha Maraykanka Hillary Clinton xiligii ay ahayd Wasiirka Arrimaha Dibadda, xili doorashada Madaxweynaha ay ka hadhsan tahay maalmo keliya, iyada oo malaayin qof oo kale ay codkoodi hore u dhiibteen.
Agaasimaha Hay’adda FBI ee dalka Maraykanka James Comey ayaa warqad u direy Komishanada Aqalka Kongress-ka Maraykanka oo uu la socodsiinayo xogtan cusub, Comey ayaa sheegay in aanay garaneyn muddada ay qaadan doonto baadhitaanka ay dib u fureen, wuxuuse sheegay in ay yihiin kuwo macne u leh dhacdada Serverka gaarka ah ee Hillary isticmaashey.