berberatoday.com
FBI-da Maraykanka Oo Mar Kale Caqabad Hordhigtay Hillary Clinton –
October 30, 2016 - Written by Berbera Today

Washington(Berberatoday.com)-Booliska Federaalka Maraykanka ee FBI ayaa dib u bilaabey baadhitaan cusub, kadib markii ay heleen xog cusub oo la xidhiidha Emailka sida gaarka ah ay u isticmaashey musharaxa Madaxweynaha Maraykanka Hillary Clinton xiligii ay ahayd Wasiirka Arrimaha Dibadda, xili doorashada Madaxweynaha ay ka hadhsan tahay maalmo keliya, iyada oo malaayin qof oo kale ay codkoodi hore u dhiibteen.

 

Agaasimaha Hay’adda FBI ee dalka Maraykanka James Comey ayaa warqad u direy Komishanada Aqalka Kongress-ka Maraykanka oo uu la socodsiinayo xogtan cusub, Comey ayaa sheegay in aanay garaneyn muddada ay qaadan doonto baadhitaanka ay dib u fureen, wuxuuse sheegay in ay yihiin kuwo macne u leh dhacdada Serverka gaarka ah ee Hillary isticmaashey.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaysa in xogta cusub ee FBI-du heshay laga helay haweeneyda la yidhaahdo Huma Abedin oo gacan yare u ahayd Hillary Clinton 2009-2013. Wararka ayaa intaas ku daraya in xogtan cusub ay la xiriirto baadhitaan ku aadan Anthony Weiner oo ka tirsanaaan jirey aqalka Kongress-ka kadib markii uu fariin galmo la xidhiidha telefonka ugu direy gabadh 15 sano jir ah. Mr Weiner xaaskiisu waa Huma Abadin oo Clinton la soo shaqeysey xogtana laga heley Kunbuyuutar ay lahayd iyadu.

FBI ayaa horey baaritaan ugu hayey Anthony Weiner arrimo la xidhiidha galmo, sir anshax xumo ah iyo xidhiidh uu la sameeyey gabadh 15 sano jir ah oo deggan gobolka North Carolina.

Baadhitaanada ku socda Hillary Clinton ayaa la xidhiidha  in ay dayacdey masuuliyadeedi, isla amrkaana ay khatar gelisey arrimo sir ah.

Arrintan waxaa ka faa’ideystey oo ay u noqotey mid uu si weyn ugu farxay ninka la tartamaya Hillary Clinton oo rajadiisu ahayd mid ka hooseysa tan Hillary, waxaana uu ku tilmaamey fadeexadii ugu weyneyd ee qarniga ee lamid ah tii Watergate ee Todobaadanaadkii, waxaana uu dalbadey in tartanka laga saaro Hillary Clinton, waxaana uu ku tilmaamey qof aan la aamini karin.

Hillary oo jawaabtey

Dhacdadan ayaa Hillary Clinton ku noqotey mid ay aad uga naxdey iyada oo doorashada maalmo keliya ka hadhsan tahay.

Hillary Clinton oo ol-oleehada doorashada ka wadey maalintii Jimacada gobolka IOWA ayaa sheegtey in waxa FBI heshey ee xiligan lagu soo beegay ay muhim tahay in shacabka Maraykanka loo soo bandhigo oo ay ogadaan, waxay sheegtey in aanay waxba ka bedeleyn baaritaankii la soo xidhey bishii July ee sanadkan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews