Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Dalka Faransiiska Maxamed Axmed Muuse Oo Soo Dhaweeyay Xoghayaha Guud Ee Cusub Ee Xisbiga Ucid
October 30, 2016 - Written by Berbera Today
Paris(Berberatoday.com)-Aniga oo ah Gudoomiyaha xisbiga ucid ee dalka France Maxamed Axmed Muuse waxaan soo dhowaynayaa xoghaya xisbiga ucid ee uu dhowaan magacaabay murashaxa xisbiga ucid mudane Jamaal ali xussen: mudane aadan suldaan cabdiraxmaan suldaan diiriye oo 24/10/2016 loo magacaabay xoghayaha xisbiga ucid waxaan u arkaa in ay tahay talaabo hore loo qaaday.waxaanan massuulka cusub u rajaynayaa in uu illaahay xilkiisa u fududeeyo kuna asturo masuulkana waxaan leeyahay hawlo fara badan ayaa ku horyaala waxaan ku kalsoonahay inaad xalindoontid.waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dhamaan xisbiga ucid inay gacmaha is qabsadaan oo danaha dalka iyo dadka ka shaqeeyaan oo ay u diyaar garoobaan tartanka doorashooyinka ee dalka ka dhici doona insha allaaahu. wa bilaahi tawfiiq maxamed axmed muuse gud: xisbiga ucid ee dalka france