berberatoday.com
Guurka Lammaanaha Da’doodu Kala Weyn Tahay Iyo Saamaynta Caafimaad, Ma Dhabbaa In Qofka Qof Ka Weyn Guursadaa Gaboobo Mase Jirtaa In Qofka Qof Ka Yar Guursadaa Dhallinyaroobo?!!
October 30, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Farqiga dhinaca da’da ah ee u dhaxeeya lammaanaha is guursada wax saamayn ah kuma laha caafimaadkooda, waxayna ka mid tahay khuraafaatka ay Soomaalidu aaminsan tahay in la yidhaahdo qofkii guursada qof ka da’ wayn waxaa ka dhamaanaya dhuuxa lafaha ama wuu cirroobayaa ama cimri degdeg ah ayaa ku dhacaya. Dhammaan arrimahaasi cilmi ahaan waxa la ogaaday in ay yihiin kuwo mala awaal ah oo aan xaqiiqo ahayn.
Si nolol wanaagsan, caafimaadna ku dhisan loo helo waa in labada qof ay isfahansan yihiin, iskuna faraxsan yihiin, qof walbana uu ku dadaalayo sidii qofka kale uga ilaalin lahaa wixii jidhkiisa iyo nafsaddiisa halis ku ah.
Haddii isfahan aanu jirin, waxaa imanaya feker iyo welwel, taasina waxaa daba socda caafimaad xumo iyo niyad-jab, markaas waxaa qofka ka muuqan kara diif iyo murugo, cirrana way soo bixi kartaa. Arrintan ayay dadka qaar u saarayaan caafimaad darro ka timid farqiga da’da ah ee u dhaxeeya lamaanaha. taasina waa arrin khalad ah.
Caafimaad darrada guurka ka dib la arko waxay ka imaan kartaa kaliya in labada qof oo hore u lahaa xanuun la kala qaadi karo, taasina waa muhiim in labada qof ay is-guursanayaan ay iska baadhaan xanuunnada la kala qaadi karo.
Midda kale oo ay dadka qaar aaminsan yihiin waa in la yidhaahdo nin weyn hadduu guursado gabadh yar wuxuu noqonayaa dhallinyaro, tani iyaduna sax ma ah laakiin waxaa dhacda in odayga guursaday gabadha yar inuu dhallinyareeyo si uu ula jaan qaado haweenaydaasi da’da yar taasoo dadkii hore u yaqaanay ay u arkaan inuu dhalinyaro noqday. waxaana la odhanayaa:, hebel markuu gurusaday wuu isbadalay oo dhalinyaro ayuu noqday.!!
Tan waxaa la mid ah, wiilka dhallinyarada ah oo guursada haweenay ka wayn in la yidhaahdo isaguna dhakhso ayuu u cirroobayaa ama wuu duqoobayaa, iyaduna sax ma aha oo waxaaba suuragal ah inuu ka caafimaad fiicnaado intii aanu guursan ka hor, waana arrin la arko mararka qaar.
Intaas ka dib, Waxaan qoraalkan ku soo gabagabaynayaa arrin caafimaad ahaan la xaqiijiyay taasoo ah in qofku uu niyadda ka duqoobi karo (Ka gaboobi karo), kana dhallinyaroobi karo. Arrintaasi oo khubarada cilmiga naftu aad u saraaseeyeen xaqiiqooyin badana ka gaadheen iyada oo la xaqiijiyey tijaabooyin bandanna lagu arkay in qofku niyad ahaan ka noqon karo qof gaboobay ama uu niyad ahaan noqon karo qof dhallinyaro ah xataa haba waynaadee waana wax ku xidhan dhinaca nasiyadda shakhiga. Taladu waa in aanad isdhiibin, caafimaadkana ku dadaashid, niyaddu iyadaa jidhka hogaamisa, niyadda ka dhig dhallinyaro. Midda ugu dambaysaa waa in aanad ku niyad jabin waxyaabaha ay kuu sheegayaan dadka qaar oo guurkaaga hore u sii gal, jaceylkaaga xooji, niyaddana ka ilaaliya waxyaabaha ay dhibsan karto.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews