Siyaasiga C/qaadir Obsiiye Oo Musharraxiinta Xisbiyada Ku Marti-qaadaya Kulan Ay Bulshada Ugu Soo Bandhigaan Barnaamijyadooda
October 30, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(berberatoday.com)-Siyaasiga Cabdiqaadir Cali Obsiiye, ayaa Musharraxiinta Madaxweyne ee Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ugu baaqay inay kala soo qayb-galaan kulan uu isagu Marti-qaadkiisa leeyahay, kaasi oo uu sheegay inuu doonayo in Musharraxiintu ay Bulshada ugu soo bandhigaan Barnaamijyadooda Siyaasadeed iyo Waxqabad.
Cabdiqaadir Obsiiye oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Somaliland u baahan tahay in Hoggaamiye Wanaagsan oo gaadhsiiya Horumar muuqda oo la mid ah ka ku tallaabsadeen Dalalka ay isku mar qaateen Xornimada.