berberatoday.com
Turkiga Oo Walaac Ka Muujiyay Doorashooyinka Dalka Soomaaliya
October 30, 2016 - Written by Berbera Today

Istaanbul(Berberatoday.com)-Safiirka Dawlada  Turkiga u qaabilsan dalka Soomaaliya Ambasador Olgan Bekir,  oo  la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgelinta doorashooyinka dadban, ayaa walaac ka muujiyay Faragalinta dawladaha shisheeye ku hayaan Doorashada dalka Soomaaliya.

Safiirka ayaa qoraal uu ku baahiyay  Barta FACEBOOK ee safaarada Turkiga ku muujiyay niyad xumi ka dhalatay fara gelinta shisheeye ee hawlaha geeddi socodka doorashooyinka Dalka Soomaaliya iyo qaabka loo maamulayo sida.

Kulankan oo khamiistii ka dhacay xarunta Safaaradda Turkiga ayaa lagaga halday sida loogu guuleysan karo caqabadaha amni iyo mid dhaqaale ee ka hor iman kara doorashada Somaliya.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Avv. Cumar Dhagey ayaa u xaqiijiyay Safiirka Turkiga inay ka go’an tahay in doorashada ay ku dhacdo hab cadaalad ah.

Turkiga oo xilligan Faragalin Siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba  ku leh dalka Soomaaliya ayaa muuqda inaanu  wax faragalin ah ku laheyn arrimaha doorashooyinka Soomaaliya .

Sidoo kale waxaa muuqata in dawladda Turkiga ay tartan adag kala kulmayso Imaaraadka Carabta oo xilligan u muuqda mid saameyn ku yeelanaya Siyaasada Soomaaliya.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews