berberatoday.com
Guddida Doorashooyinka Iyo Xukuumadda Oo Ka Hadlay Warar Lagu Sheegay In La Xaday Xogtii Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha
October 31, 2016 - Written by Berbera Today

Guddoomiyaha Komiishanka Oo Sheegay Inaan La Xadi Karin Xogta Diwaangelinta

Hargeysa(Berberatoday.com)-Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Xukuumadda, ayaa si gaar gaar ah u beeniyey in la xaday Xogtii Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland ee la soo Gegogabeeyay dhawaan.

Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa qaarkood, ayaa Toddobaadkan baahiyey in qaar ka mid ah Shaqaalihii Komiishanka ee shaqada laga eryay qaarkood hore u sii qaateen qayb ka mid ah Xogta Diwaangelintii laga sameeyay Gobollada Dalka oo dhan, laakiin Xubnaha uu ka kooban yahay Komiishanka Doorashooyinka Qaranku oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Xafiiskooda Hargeysa, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin Wararkaasi.

Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Komiishanka Doorashooyinku wuxuu Caddeynayaa in aanay jirin wax Xog ah oo ka luntay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, ama laga xaday, ama la masaxay haba-yaraatee ma jirto.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay, “Cid falkaa lagu tuhunsan yahay oo Shaqaalaha Komiishanka ka mid ahina ma jirto, hadday tahay kuwii hore ee aanu fasaxnay iyo hadday tahay kuwan dambeba. Waxa jiray Goob Waqooyiga Hargeysa ahayd iyo Goob Laascaanood ahayd oo qolooyin Budhcad ahi ay qaateen, xitaa kuwaa waa nagii Xogtoodii idiin soo marinay Saxaafadda, ee caddaynay in aanay naga maqnayn, ee hor-dhignay Hay’adihii ay khuseysay. Markaa waxaanu halkan ka caddeynaynaa Wax Xog ah oo Diwaangelinta ka maqani ma jirto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Xogta Komiishanka lama xadi karo, lama masixi karo, Falaashyada lagu qaado laguma isticmaalo karo Koombiyuutarro kale, markaa waa Xog xafidan. Sidaa daraadeed wuxuu Komiishanka Doorashooyinka Qaranku uga digayaa Dadka doorasho diidka ah ee ku meeraysta Warar aan Sal iyo Raad lahayn ee sheegaya in la waayey xogtii diwaangelinta, waxaanu sheegaynaa in aanay waxba ka jirin Warka ay sheegeen Caado-qaatayaashaas burburinaya Qarankan.”

Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland ayaa sidaas oo kale u beenisay in la xaday Xogta Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye oo Shalay saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in aanay jirin Xog-diwaangelineed oo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka laga xaday.

Wasiir ku-xigeenka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Wax Xog ah oo komiishanku lahaa oo lumay ma jiraan oo waalla hayaa, waa Kayd Ummadeed, wax Cayaar la iskaga odhan karo erayo Caynkaas ah wax ka wayn weeyaan. Saxaafadda waxaan aad iyo aad ugu boorinayaa inay iska ilaaliyaan wixii Qarannimada Dalkan dilaya oo ay lexejeclo u yeeshaan dalkooda.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews