berberatoday.com
Madaxwaynaha Kenya Oo Booqasho Ku Tagay Sudan Kana Cosaday Madaxwayne Cumar Al Bashiir Inuu Ku Taageero Sidii Midawga Afrika Ugu Guulaysan Lahayd Aamina Maxamed
October 31, 2016 - Written by Berbera Today

Khartoum(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Sudan ayaa olole ugu jira sidii lagu taageeri lahaa Wasiirada Arrimaha Dibada Kenya Amina Maxamed oo u tartameysa guddoonka Midowga Afrika.

kenya iyo sudan
Madaxweyne Kenyatta ayaa kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashiir ay sidoo kale ka wadahadleen xaalada dalalka Somaliya iyo Sudaanta Koonfureed oo ay dagaalo ka socdaan.
Cumar Al Bashiir ayaa sheegay inuu dalka Sudan taageeri doono murashax Amina Maxamed Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya oo u tartameysa Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.
Wadahadalka Kenya iyo Sudan ayaa sidoo kale la xariiray sidii loo xoojin lahaa ganacsiga ka dhaxeeya labada dal iyo waliba arrimaha la xariira Maxkamada Caalamiga ah ee ICC ee fadhigeedu yahay The Hague, Holland.
Sudan ayaa dhankeedana olole ugu jirta inay ka dhaadhiciso dalalka Afrikaanka ah inay isaga baxaan xubinimada wadamada saxiixay heshiiskii lagu hirgeliyey Maxkamada Caalamiga ah ee ICC oo ay Afrikaanka ku eedeenayaan in si gaar ah ay u bartilmaamsato hogaamiyayaasha Afrika.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews