berberatoday.com
Maxaa Ka Jira In Ciidammada Laanta Socdaalka Mushaharkooda Laga Jaro Lacago Lagu Bixiyo Deyn Uu Galey Taliyihii Hore?
October 31, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamadda Laanta Socdaalka Somaliland ayaa la sheegayaa in Mushaharooyinkooda laga Jaro lacago lagu Bixiyo deyn la sheegay inuu galey Taliyihii hore ee ciidamadaasi Korneyl Maxamed Cambaro.

Qaar ka mida saraakiisha laanta Socdaalka oo magacyadooda ka gaabsaday arrimo la xidhiidha amniga shaqadooda ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in mushaharkooda laga jaro lacago lagu bixiyo Deyn uu galey Taliyihii hore ee Ciidankaas.

Waxaa ay saraakiishani sheegayaan in lacagtaasi laga jarayay bilihii u dambeeyay ee Taliyaha cusubi la wareegay ciidanka Socdaalka Somaliland, kaasi oo markii shaqaaluhu ay waydiiyeen sababta lacagahaasi looga jarayo uu u sheegay inay jirto deyn lagu leeyahay laanta socdaalka Somaliland oo uu galey Taliyihii hore.

Lacagaha laga Jaro shaqaalaha laanta Socdaalka waxaa ay sheegeen inay tahay Laba nooc,  kuwaasi oo kala ah in saraakiisha laga jaro mushaharkooda 300,000 Somaliland shilin ah, halka askarta kale laga Jaro inta u dhaxeysa 150,000 ilaa 80,000 oo lacagta Somaliland, taasi oo oo ay sheegeen inaanay raali ka ahayn in laga jaro, hasa-ahaatee lagu qasbay.

Dhinaca kale,  Wargeyska Himilo oo Xalay isku dayay inuu arrintaasi wax ka waydiiyo Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cismaan Caalin ayaanay noo suurta galin inaanu helno, Kadib markii uu naga qaban waayay Telefoonkiisa Gacanta,  Isla-markaana  uu kasoo jawaabi waayay Fariimo aanu u dirnay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews