War Deg Deg Ah”Maxkamada Racfaanka Gobolka Togdheer Oo Waaran Soo Qabasho Ah Ujartay Wariye Axmed Sakaaro Oo Shan Maalmood Ka Hor Maxkamada Gobolka Togdheer Xoriyadiisa Ucelisay
October 31, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(berberatoday.com)-Maxkamada Racfaanka Gobolka Togdheer iyo Xafiiska Xeer ilaalinta Gobolka Togdheer ayaa maanta waaran soo qabasho ujartay Gudoomiye Kuxigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SECJA Axmed Muuse Maxamed(Sakaaro) ahna Gudoomiyaha Wargeyska Codka shacabka ee xukumadu hore uxayirtay oo mudo hada laga joogo shan maalmood Maxkamada Gobolka Togdheer xoriyadiisa ucelisay isaga mudo 30 maalmood uxidhnaa Wasiirada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan.