Wasaaradda ugu Balaadhan Somaliland Waa Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo Miisaaniyadeedu tahay $ 14.5 Million oo keliya. Qalinkii A/rahman fidhinle UK
October 31, 2016 - Written by Berbera Today
Qiimaha ugu weyn ee dalkeenu leeyahay waa ubadkeena sidaa daraadeed waa in aynu maalgashi mug leh gashanaa caruurteena si aynu u xaqiijino horumarka iyo himilada fog ee aynu higsanayno mustaqbalka dhaw iyo ka fog. Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland waa Wasaaradda ugu balaadhan Wasaaraddaha JSL.Waxaana ay ka kooban tahay 9 Waaxood oo kala madax banaan:
(1) Waaxda Shaqaalaha, (2) Waaxda Maamulka,(3) Waaxda Tayeynta Tacliinta ” Quality insurance “,( 4) Waaxda Dusgiyada Aas-Aasiga ah, (5) Waaxda Dugsiyada Sare,
(6) Waaxda Waxbarashadda Dadban. (7)- Waaxda Baahiyaha Gaarka ah.( 8) Waaxda Qorsheynta iyo ( 9 ) Waaxda Farsamada Gacanta.
Waxaa kale oo Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Somaliland hoos yimaada 4 Xarumood oo kala madax banaan oo aad u balaadhan :
A) Xarunta Xanaanada Agoomaha, B) Xarunta Imtixaanaadka. C) Xarunta Baahiyaha Gaarka ah. D) Xarunta komishanka tababarada gaaban ( Vacational Qualifications )
Tirada Dugsiyada Hoose / Dhexe ee Somaliland ku yaalaa waa 1164 Dugsi oo dawli ah oo isugu jira Dugsiyo hoose iyo Dugsiyo dhexe. Tirada Dugsiyada Sare ee dawliga ah ayaa iyaguna sare u dhaafay 120 oo Dugsi. Marka laysku wada daro dhamaan dugsiyada Dawliga ah ee Somaliland waxay noqonayaan 1284 Dugsi. Tirada macalimiinta pay role ka Wasaaradda ku jira ee Dugsiyada dawliga ah wax ka dhiga ayaa iyagu noqonaaya Lix kun sadex boqol iyo shan iyo todobaatan 6375 Macalin taas ka dhigaysa Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Wasaaradda ugu shaqaalaha badan Wasaaraddaha Somaliland maadaama guud ahaan Shaqaalaha Dawladu 25% ay yihiin macalimiin ka howl-gala Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL.
Wasaaradda Waxbarashadda oo ah ta ugu balaadhan Wasaaradda Somaliland oo ay wax ku bartaan ugu yaraan 1 million oo caruur ahi ayaa loo qoondeeyey Misaaniyad gaadhaysa ilaa iyo $ 14.5 Million dollar sanadkan . Misaaniyadan oo aad ugu yar Wasaarad baaxadaas leh ayaa waxay sababtay in tayadii iyo tamartii Waxbarashada Dugsiyada madaniga ah ee dawladu ay aad iyo aad hoos ugu dhacaan marka la bar-bar dhigo dugsiyada dhigooda ah ee gaarka loo leeyahay ee dalka ka jira.
Waxaa Amaan iyo Bogaadin mudan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Muadane Abdillahi Ibrahim Habane oo aad ugu dadaalay laba arimood mudadii uu Wasaaradda joogay. Wuxuu aad ugu dadaalay in la xoojiyo Waaxda Wasaaradda ee Tayenta Tacliinta Dusgiyada dawliga ah laakiin wuxuu u waayey dakhli lagaga midho dhaliyo caqabadaha hor taagan in tacliinta tayadeeda kor loo qaado. Waxaa kale oo Wasiirku uu ku dadaalay sifihii loogu soo dabaali lahaa Dugsiyada Gaarka loo leeyahay Manhajka qaranka ee Wasaaradda Waxbarashadu soo diyaariso si loo xakameeyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay oo aad u batay laguna dhigo ilaa iyo in ka badan 5 manhaj oo kala duwan oo laga soo waariday wadamo kala duwan sida Kenya, Sudan, Yaman, Masar iyo Turkiga.
Guntii iyo Gebagebadii :
1- Waa in Miisaaniyada cusub ee Wasaaradda Waxbarashadda JSL la gaadhsiiyaa ilaa $22. Million oo dollar sanaka cusub si loo tayeeyo :
A) Daryeelka Macalimiinta, B) Dib-uhabeyna loogu sameeyo Waaxaha iyo Xarumaha Wasaaradda. C) Tayenta iyoTababarada macalimiintana kor loogu qaado.
D) Loona sameeyo tuul ay kormeerayaasha Wasaaraddu ku cabiraan tayada Waxbarashadda dalka. E) Waa in la sameeyaa Laababka Sayniska. F) La sameeyaa maktabado ku qalabaysan qalabka combuutarada. G) Waa in si dhakhso ah loo dhisaa Dugsiyo Farsamo si kor loogu qaado xirfadaha sayniska,Xisaabaadka iyo barashasha xirfadaha teknoolajiyada casriga ah..
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive Education Advisor PA
United Kingdom
London