berberatoday.com
“Anigu Waan Ka Tanaasulay Fedaraalkii Ee Qolada Kulmiye Ma Ka Tanaasuulen Maryo Aloolkii..” Prof Ismaciil Hurre Buubaa Daawo Muuqal
November 2, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Prof Ismaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah siyaasiyiinta ku bahoobey xisbiga mucaaridka ah ee Waddani  ee ayaa waxaa uu adag uga jawaabey hadlo dhawaan ay ku dureen siyaasiyiin ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye  oo ku sifeeyey  in uu Buubaa aminsan yahay nidaamka federalka ah ee dalka Somaliya .

buubaa

Muddane Buubaa waxaa uu sheegay in  aanu isagu aaminsaneen nidaamkaasi  balse qolada Kulmiye uu weydiinayo in ay ka tanaasuleen maryo alool nimadii waxana uu yidhi

“Federaalka iyo arimahaas ay sheeg sheegayaan wax alaale wax ka jiraa ma jiro aniga federaalka 2007 ayaanu isku badhaadhnay  oo aan diiday in aan saxeexo aniga oo ah  wasiirka arimaha dibada ah , arinta federaalka ee ay ku cel celinayaan waa hore – hore ayaanu  kala soconey , anige se ka tanaasulay federaalkii iyaga waxaan weydiinayaa in ay ka tanaasuleen maryo aloolnimadii ” ayuu yidhi siyaasi Prof Ismaciil Hurre Buubaa

Sidoo kale Prof Buubaa waxaa uu ka hadley hadlo   gudida doorashoyinka oo dhawaan sheegay in aanay heynin qeyb ka mid ah lacagtii doorashada waxaana uu ku sifeeyey fashilaad ku timid xukuumada Kulmiye

” Arintaasi waxaa ay cadeynaysaa in dawladii Kulmiye fashilantey waana markii labaad oo arimo xasaasi ah ay xagal daaciso ” ayuu yidhi

Gabo gabadii Prof Buubaa waxaa uu ka hadley shirkii  golaha dhexe ee dhawaan xisbiga Kulmiye qabsadey oo gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Muddane Axmed Muumin Seed ka cadhoodey waxaana uu yidhi

“Waaan fadhiyey markii ay doorashadu dhaceysay Axmed  Muumin Seed markuu arkey in dad badani u codeyeen ninki ay tartamayeen ayuu  ka baxay meesha waxaana ay aheyd wax lagu sii talo galy ” ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey Prof Buubaa

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews