berberatoday.com
Ingiriiska Oo Ka Digay Natiijada Xun Ee Ka Dhalan Karta Doorashada Madaxtooyada Oo Mar Kale Dib U Dhacda –
November 2, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Diblomaasi sare oo ka tirsan dawladda Ingiriiska ayaa sheegay in adduunyadu ka niyad jabi doonto Somaliland, haddii ay mar kale doorashada madaxtooyadu dib uga dhacdo wakhtiga loo qorsheeyay ee March 2017.

 

Safiir ku xigeenka Ingiriiska ee Somaliland iyo Somaliya danjire Andrew Allen, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa wuxuu reer Somaliland ku dhiirigeliyay inay sii ambo qaadaan nidaamka dimuqraadiyadeed oo ay Somaliland ku heshay sumcad, waxaanu sheegay inay adduunyadu si weyn uga xumaaday talaabadii uu Madaxweyne Siilaanyo dib ugu dhigay doorashada golaha wakiilada.

“Nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland waa iftiin gobalka ku yaala.” ayuu yidhi safiirka oo intaas raaciyay natiijada ka dhalan karta doorashada madaxtooyada oo dib u dhacda “Waxaa jira dareen laga qabo in haddi doorashada madaxweynuhu ay dib u dhacdo ay ka dhalan doonto su”aal weyn oo la iska weydiiyo sida loo khasaariyay dedaalkii la soo galay.”

 Danjire danjire Andrew Allen, wuxuu sheegay in dadka qaarkii ay is barbar dhigi doonaan Somaliland iyo Somaliya haddii uu dib u dhac ku yimaado geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland, “Haddii ay Muqdisho si guul ah u qabato doorashadeeda, Somaliland ay hoos u dhigto dimuqraadiyadeeda, waxaan filayaa in dadka qaar ay is barbar dhig samayn karaan.” ayuu yidhi.  

Safiir ku xigeenku wuxuu sheegay inaanay raysalwasaaraha cusub ee Ingiriiska Theresa May wax isbedel ah ku samayn doonin siyaasadii Ingiriiska ee ku waajahnayd Somaliland iyo Somaliya, siina wadayso caawintooda. Waxaanu soo hadal qaaday dhinacyada kala duwan ee ay dawladda Ingiriisku ka caawiso Somaliland.

Safiirku waxa kale oo uu muujiyay inuu ka xunyahay xadhiga iyo hadidaada ay dawladda Somaliland u gaysato saxaafadda madaxbanaan ee Somaliland. Waxase uu soo dhaweeyay diyaarinta nidaamiye xeer oo u dhexeeya dawladda iyo saxaafadda oo lagu shaqayn doono wakhtiga doorashooyinka, isagoo xusay in loo baahanyahay in dib u habayn lagu sameeyo xeerka saxaafadda.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews