KULMIYE Oo Beeniyay Inay Lacag Ku Bixinayaan Sidii Ay Siyaasiyiintu Uga Bixi Lahaayeen Xisbiga Waddani
November 2, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere), waxba kama jiraan ku tilmaamay in Xisbiga Kulmiye uu lacag iyo sasabasho ku wado Masuuliyiinta, Siyaasiyiinta iyo Taageerayaasha kale duwan ee Xisbiga Waddani, si ay uga soo baxaan Waddani uguna soo biiraan Xisbigooda.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere), oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey waxa ka jira in Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye aanay doorasho diyaar u ahayn, oo la doonayo muddo kordhin dambe, ugu horeyna isagoo ka jawaabaya waxa ka jira in Masuuliyiinta iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Waddani lacag ku doonayaan ayaa yidhi “Arinkaasi waa arin aan waxba ka jirin, anagu Xisbi baanu nahay oo dadka ayaanu urursanaynaa, oo cidii noo timaada waanu soo dhaweynaynaa, dadku Xisbiyada mabda ayey ku joogaan, marka in la yidhaahdo qofba Xisbiga lacag kaga soo baxay, oo aan caddeyna loo haynin, waxay noqonaysaa wax aan raad lahayn, Xibiga Kulmiye dad baa ka baxa, Xisbiga UCID dad baa ka baxa, maaha dad lacag la siiyo, waa dad ka cadhooday, qof walibana si ayuu uga baxa Xisbiga, marka waa waxaan jirin haddii la yidhaahdo Kulmiye ayaa lacag qaybinaya”.