“Magacaygu Waa Al-raashimi, Waxaan Ahay Guddoomiyaha Dadka Xisbiyada Gala, Ee Ka Baxa, Ee Mid Gale Gala..”Abwaan Gurey
November 2, 2016 - Written by Berbera Today
Majaajillo Laga Sameeyay Hadafka Dadka Marba Xisbi Cusub Gala
Hargeysa(Berberatoday.com)-Abwaan Gurey oo ka mid ah Kooxda Matala Riwaayadda laga siidaayo Radio Hargeysa, ayaa Majaajillo ahaan ku soo bandhigay Dadka loo yaqaanno WEJI KU MACAASHKA AH ee Maalinba Xisbi cusub ku biira, iyagoo Dantoodu tahay dhaqaale raadis, ee aanu jirin Mabda’ iyo ujeeddo kale oo ay leeyihiin.
Abwaan Gurey oo Muuqaal kooban oo laga duubay Shalay lagu baahiyey Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho Sida facebook, ayaa sheegay inuu Guddoomiye u yahay Dadka hadba Xisbi Cusub gala.