berberatoday.com
WASIIR SAMSAM WAA HORMOODKA WASIIRADA IYO HORUMARKA DALKA, W/Q: XAMSE JIRDE AXMED
November 2, 2016 - Written by Berbera Today

Wasiir Samsam Abdi Aadan waxa ay ka mid tahay Shaqsiga Kaliya Ee uu qaranka jamhuriyada Somaliland leeyahay, waa wasiir qayb laxaad le ka qaadatay horumarka qarankani gaadhay, waa wasiir muujisay dadaal badan, waa wasiir fifircooni iyo karti la timid, waa wasiir hawlkar ah, waa wasiir shaqadeeda si xilkasnimo leh u gudatay. Wasiir samsam intii ay haysay xilka wasaarada Maaliyada Somaliland waxa ay ku talaabsatay guulo Lama Taab Taana oo aan hore loo gaadhin, waxa ay nidaamka dhaqaale ee dalka ka dhigtay mid hufan, Hogaansan oo horumar Balaadhan Leh . Wasiir Samsam waxa ay hadh iyo habeen heegan ugu jirtaa inay dadkeeda iyo dalkeeda waxtarto, socod iyo safarna waxay u gashaa sidii dadkeeda ay uga war dooni lahayd hadba xaalada iyo duruufta ay ku jiraan. Bulshadu Tusaale fiican waxa inoogu filan kaalintii laxaadka lahayd ee ay ka gasyatay wasiir Samsam gurmadkii abaaraha dalka Guud Ahaan Gobolada Iyo Degmooyinka Soomaaliland iyo taakulayntii bulshada reer Somaliland ay gaadhsiisay. Wasiir Samsam waa qof aqoon leh, Oo taqaan shaqadeeda, ka soo baxda hawl kasta oo loo igmado, jecel inay dadkeeda horumar dhinac walba gaadhsiiso. Dabciga insaanka waxa ka mida in qofka la dhaliilo, la dhaleeceeyo amaba wax laga sheego, hase yeeshe inaad qofka dhaliishaa waxa ay leedahay asluub loo maro, dariiq la raaco iyo heer aanu qofku ka gudbi Karin. Sideedaba marka aad tahay mas’uul qaran lama waayo dad ku dhaliila balse waxa aad qofka ku dhaliilaysaa waa inay noqotaa wax lagaaga markhaati kici karo, sida shaqadiisa oo uu ka soo bixi waayay, dadaal la’aan uu la yimaad, gaabis hawlihii qaranka uu u hayay ku yimaado Iwm. Su’aasha la is weydiin karaa waxa ay tahay Wasiir Samsam shaqadii ay qaranka u haysay ma ka soo baxday mise kama soo bixin? Jawaabtu waa “HAA way ka soo baxday wasiir Samsam shaqadeedii , halkii looga baahnaa iyo meel ka saraysana way gaadhsiisay. wasiir Samsam waxay u soo qabatey xilka Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare, dadaal dheer iyo shaqo hufnayd oo ay ka fulisey wasaaradaasi ka dib, waxa madaxweynuhu u magacabay inay mas’uul uga noqoto xilka wasaarada ugu culus qaranka ee wasarada Maaliyada. Hadii aanay Wasiir Samsam hawlkar ahayn miyey gaadhi lahayd heerkaasi Dadaal, karti, aqoon iyo waxqabad ay samaysay awgeed miyaanay ahayn sababta loogu dalacsiiyey jagadaasi halbawlaha u ah qaranka? Dabcan haa! waxaana lagu aaminay Mas’uuliyadasi culus ee baaxada leh. Wasiir Samsam waa wasirada kaliya ee ka haqab tirtay addegii cafimadka isago dhakhtarkii wajaale xidhmay balse iyadu hil iyo hoba la soo garab istagtay kana dhigtay dhakhtar shaqeya 24 sacadoodba una soo dhamaysay qalabkii cafimadka iyo shaqalihiiba muddo 7 cisho maantana kentay dawoyin iyo mashinkii ciyaalka aan wakhtigoda gadhin lagu korinayay isago durba badbadiyeen dhakhatirtii la kenay dad fara badan oo shubankii ku dhacay wasirada maaliyadu markii kowaad iyo labaad maha intay dhakhtarka wajaale wax ka qabatay maantana adeegi kale oodhan bay u kentay reer Somaaliland wasirada maliyadu waxay ka tahay waslad dahaba Alena Waxaanu Uga Baryaynaa In Uu Ku Garab Galo Sida Hufnaanta Iyo Heeganka Ay Ugu Jiryo Bulshada Shacabkana Waxaan Leeyahay Hala Garab Istaago Wasiir Samsam Oo Wax Halala Qabto

 

ALAA MAHADLEH:

W/Q: XAMSE JIRDE AXMED TELL: 063-4472126

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews